WARBIXIN: Xiddigaha Saddexleyda Ugu Badan Ka Dhaliyay Kubada Cagta Oo La Shaaciyay.

Xiddiga kooxda Man United iyo xulka Portugal ayaa dhaliyay saddexley kulankii ugu dambeeyay ee uu xulka qarankiisu ciyaaray isaga oo sii wada dhigista taarikhda hadii ay tahay xulkiisa ama kooxdiisa.

Xiddiga Man United Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay saddexleydii 58-aad xirfadiisa ciyaareed tan ilaa markii uu ciyaaray kulankiisii uu horeeyay.

Ronaldo ayaa ah xiddiga dhaliyay saddexleyda ugu badan wakhti xaadirkan kubada cagta isaga oo ka horeeya xiddiga ay sida weyn u xafiiltamaan ee Lionel Messi.

Messi ayaa dhankiisa dhaliyay 53 saddexley tan ilaa markii uu bilaabay kubada cagta isaga oo 5 saddexley ka dambeeya Cristiano Ronaldo.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Atletico Madrid ee Luis Suarez kaas oo dhaliyay 29 saddexley waxana ku xiga xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski kaas oo dhaliyay 26 saddexley.

Xiddiga kooxda PSG ee Neyamr ayaa ku xiga waxana uu dhaliyay 20 saddexley isaga oo buuxiyay 5-ta xiddig ee ugu saddexleyda badan kubada cagta tartamada oo dhan hadii ay tahay xulalka ama kooxaha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*