Warbixin: Xiddigaha iyo Xulalka Ugu Fiican Wareegii Hore Ee Koobka Adduunka

Waxa si Rasmi ah loo soo afjaray wareega hore ee tartanka koobka adduunka iyada oo la bilaabi doono wareega 2-aad ee tartanka.

Waxa jira xulal si weyn uga yaabsaday adduunka halka ay xulal la filayay in ay guul weyn gaadhaan ku dhibaatoodeen koobka adduunka kulamadii hore.

Xulalka Germany iyo Argentina ayaa ka mid ah xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka adduunka laakiin waxa ay guuldarooyin lama filaan ah kala kulmeen xulalka Japan iyo Saudi Arabia.

Hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xulalka ilaa haatan ugu fiican koobka adduunka, xiddigaha ugu fiican, iyo xulalka dhibaatooday:

Xiddigaha Ugu Fiican:

Waxa durba muujiyay tayadooda xiddigo badan kuwaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobka adduunka kulamadii ugu horeeyay.

Xiddigaha Xiddigaha Bukayo Saka, Enner Valencia, Ferran Torres, Mehdi Taremi, Olivier Giroud iyo Richalison ayaa ah xiddigaha is muujiyay ilaa haatan iyaga oo dhaliyay min 2 gool kulankii ay ciyaareen.

Dhinaca kale xiddigaha Bruno Fernandes iyo Harry Kane ayaa sameeyay min 2 caawin kulankii ay ciyaareen koobka adduunka.

Xulalka ugu fiican:

Marka laga yimaado xulalka waaweyn ee la filayay in ay badiyaan kulankooda xulalka Japan iyo Suadi Arabia ayaa ah xulalka lama filaanka ku noqday koobka adduunka kadib markii ay garaaceen xulalka ugu cad-cad ku guulaysiga koobka adduunka.

Dhinaca kale xulalka Tunisia iyo Morocco ayaa wacdaro dhigay iyaga oo qabtay laba xul oo ka mid ah xulalka ugu fiican qaarada yurub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*