WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ku Lug Leh Sanadkan 2021 Oo La Soo Saaray.

Sanadka 2021 ayaa lagu jira bilihii ugu dambeeyay iyada oo lagu jiro bishii 10-aad dhamaadkiisana inaga xigto 2 bilood iyo bisha haatan lagu jiro.

Inta lagu jiro sanadkan waxa jira xiddigo badan oo qaab ciyaareed fiican soo bandhigay waliba kooxohooda ka caawiyay goolal badan.

Waxa jira xiddigo tan ila bilowii sanadkan ku lug lahaa goolal badan oo ay dhaliyeen kooxohoodu hadii ay nooqto in ay dhaliyeen goolashaas ama hadii ay caawiye ka noqdeen.

Xiddiga kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ilaa haatan ah xiddiga goolasha ugu badan ku lug leh 58 gool tan ilaa markii uu bilowday sanadka 2021.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda PSG kaas oo sanadkan gudihiisa u wada ciyaaray kooxda Barcelona iyo kooxda PSG oo uu haatan u ciyaaro waxana uu ku lug leeyahay 51 gool.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Borussia Dortmund kaas oo ku lug leh 50 gool tan ilaa bilowgii sanadkan haatan lagu jiro ee 2021.

Hadaba halkan Hoose Kaga Bogo Xiddigaha Goolasha ugu badan ku lug leh sanadkan marka xitaa la eego goolasha xulalka ee sanadkan 2021.

1. Robert Lewandowski (Bayern Munich, Poland) – 58 goal
2. Leo Messi (Barcelona, PSG, Argentina) – 51
3. Erling Haaland (Borussia Dortmund, Norway) – 50
4. Karim Benzema (Real Madrid, France) – 44
5. Kylian Mbappe (PSG, France) – 42
6. Robert Muhren (Volendam) – 41
6. Gabriel Barbosa (Flamengo, Brazil) – 41
6. Dusan Tadic (Ajax, Serbia) – 41
9. Memphis Depay (Lyon, Barcelona, The Netherlands) – 39
10. Romelu Lukaku (Inter Milan, Chelsea, Belgium) – 38

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*