WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Ka Dhaliyay Premier League Bil Gudeheed Oo La Soo Saaray.

Taariikhda Premier League waxa soo maray weeraryahano badan oo Hibo u leh gool dhalinta waliba si fiican u dhaliya goolasha kulamo xidhiidh ah.

In aad dhaliso goolal xidhiidh ah muddo bil ah waa mid ay adagtahay in laga sameeyo kubada cagta hadana waxa jira xiddigo sidaas ka sameeyay premier League.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 5 weeraryahan oo muddo bil ah si xidhiidh ah goolal uga dhalinayay horyaalka premier League.

1 Luis Suarez (Liverpool) — 10 goals

Weeraryahankii hore ee Liverpool Luis Suarez ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee taariikhda Premier League ka dhaliyay 10 gool bil gudaheed.

Weeraryahanka reer Uruguayan ayaa ciyaaray todobo kulan oo horyaalka ah bishii December 2013 waxana uu goolal ka dhaliyay kooxaha Hull City, Norwich City (3), West Ham United, Tottenham Hotspur iyo Cardiff City.

Erling Haaland (Manchester City) — 9 goals

Xiddiga kasta oo Liiskan ku jira waxa uu horay khibrad ugu lahaa premier League laakiin Erling Haaland waa uu ka duwanyahay kuwa kale, waxana uu wacdaro dhigayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.

Haaland ayaa 9 gool dhaliyay bishii ugu horaysay ee horyaalka premier League isaga oo wacdaro ka dhigay tartanka ugu xiisaha badan premier League ah.

Haaland ayaa goolla ka dhaliyay Kooxaha West Ham (2), Newcastle United, Crystal Palace iyo Nottingham Forest.

Harry Kane (Tottenham Hotspur) — 8 goals

Weeraryahanka Tottenham Hotspur Harry Kane ayaa dhaliyay sideed gool oo Premier League ah labo bilood oo kala duwan xirfadiisa ciyaareed, taasoo ka dhigaysa mid gaar u ah isaga.

Kane ayaa markii ugu horeysay dhaliyay sideed gool bishii may 2017 ka hor inta uusan ku celin qaab ciyaareedkii bishii December 2017.

4 Raheem Sterling (Manchester City) — 8 goals

Xidigii hore ee Manchester City Raheem Sterling ayaa ku raaxaystay rikoodhkiisii ugu fiicnaa ee goolka hortiisa bishii July 2020 markaas oo uu dhaliyay 8 gool 7 kulan oo uu ciyaaray bishaas marka laga reebo kulamadii Southampton iyo Bournemouth, wuxuu dhaliyay dhamaan kulamadii Premier League bishii July 2020.

5 Michail Antonio (West Ham United) — 8 goals

Xiddiga West Ham United Michail Antonio ayaa ku riyaaqay bishii ugu wacneyd abid ee xirfadiisa bishii July 2020 isagoo dhaliyay sideed gool todobadii kulan ee uu ciyaaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*