WARBIXIN: Xiddigaha Goolasha Ugu Badan Dhaliyay Sanadka 2024

Sanadka 2024 ayaa maraya meel xiiso leh Marka Laga hadlayo kubada cagta.

Waxa jira xiddigo Soo bandhigay qaab ciyaareed Aad u Fiican iyaga Oo wacdaro dhigay ilaa haatan sanadka.

Waxa la Soo saaray xiddigaha goolasha iyo caawinta ugu badan sameeyay ilaa haatan sanadka 2024.

Cole Palmer(21 gool).

Chelsea ayaa la soo saxiixatay Cole Palmer xilli dambe oo suuqa kala iibsiga xagaaga waxana uu kaligiis saartay dhabarka xilli ciyaareedka Oo dhan.

Laacibka reer England waxa uu ku dhibtoonayay In uu u ciyaaro Man city, laakiin waxa uu helay kubad joogta ah tan iyo markii uu u soo wareegay Galbeedka London, wuuna kobcay. 21 gool oo uu ku lug lahaa 17 kulan, mana ahan xitaa weeraryahan.

Harry Kane (18 gool):

Xiddiga Kane ayaa isaga tagay Tottenham si uu u raadsado koobab laakiin xiddiga ayaan wax koobab ah kula guulaysan Bayern Munich.

Si kasta ha ahaatee xiddiga ayaa dhaliyay 36 gool 34 kulan Oo uu ciyaaray waxana ay 18 ka mid ah yimaadeen sanadkan.

Jonathan David: (18 gool).

Vinicius Junior: (16 gool).

Phil Foden: (16 gool).

Deniz Undav: (16 gool).

Jean-Philippe Mateta: (16 gool).

Lois Openda: (16 gool).

Kylian Mbappe: (15 gool).

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga