WARBIXIN: Xiddigaha Ciyaari Doona Tartankoodii Ugu Dambeeyay Ee Euro-da.

Waxa la isku diyaarinayaa tartanka Euro 2024 iyada oo xulalku isku diyaarinayaan tartan xiiso Iyo xamaasad leh.

Tababarayaasha kala duwan ee xulalka ayaa soo saaray xiddigaha ay kaga qayb gali doonaan tartanka Euro 2024.

Waxa jira xiddigo ay muhiim u tahay tartanka Euro 2024 marka la eego in ay ciyaari doonaan tartankoodii ugu dambeeyay.

Xiddigo badan ayaa ciyaari doona tartanka Euro-da markii ugu dambaysay xirfadooda ciyaareed maadama ayna gaadhi doonin tartanka xiga sabab la xidhiidha da’dooda.

Hadaba halkan waxa aan ku soo bandhigi doonaa xiddigaha ciyaari doona tartanka Euro-da markii ugu dambaysay xirfadooda ciyaareed.

Cristiano Ronaldo (Portugal)

Xiddiga reer Portugal ayaa haatan 39 jir ah waxana uu ciyaarayaa tartanka ka dhici doona Germany markii ugu dambaysay xirfadiisa ciyaareed.

Pepe (Portugal):

Waa xiddig kale oo reer Portugal oo 41 jir ah hadana waxa uu ciyaarayaa tartanka Euro 2024 laakiin waxa uu noqon doonaa tartankii ugu dambeeyay ee uu kala qayb galo xulkiisa.

Manuel Neuer (Germany):

Neuer ayaa noqday 38 jir bishii March laakiin waxa uu noqon doonaa Goolhayaha 1-aad ee xulka Germany tartanka Euro.

Goolhayaha khabiirka ah ayaa rajaynaya in uu ku guulaysto tartanka 10 sano kadib markii uu ku guulaystay koobkii dduunka waxana la filayaa in uu noqdo tartankii ugu dambeeyay ee uu ciyaaro.

Luka Modric (Croatia)

Ciyaaryahanka caanka ah ee khadka dhexe ayaa durba go’aansaday inuu sanad kale u sii ciyaaro Real Madrid, laakiin waxay noqon doontaa lama filaan haddii uu go’aansado inuu u sii ciyaaro Croatia ka dib Euro.

Robert Lewandowski (Poland):

35 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa dhaliyay 26 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxaa jiray cadaymo badan oo muujinaya in Lewandowski uu bilaabay inuu hoos u dhaco.

Toni Kroos (Germany):

Waxaan horeyba u ognahay in Kroos uusan kaliya ka fariisaneynin ciyaaraha caalamiga ah ka dib Euro-ga laakiin waxa uu gabi ahaan ka fadhiisan doonaa ciyaaraha kubada cagta.

N’Golo Kante (France):

Marka runta la sheego, waxay ahayd wax lala yaabo in la arko Kante oo dib loogu soo celinayo Euro, marka loo eego arrimo dhaawaciisa joogtada ah dhowrkii sano ee la soo dhaafay iyo xaqiiqda ah inuu hadda ganacsigiisa ka wado Sacuudiga.

Kevin De Bruyne (Belgium):

De Bruyne ayaa hubaal ah in uu wali leeyahay tayada uu ku sii ciyaari karo ilaa laga gaadhayo koobka adduunka 2026, laakiin xiddiga khadka dhexe ee weerarka kaas oo 33 jirsan doona dhamaadka bishan ayaa waxa uu leeyahay dhibaato dhaawac sidaas darted uma badna in uu gaadho Euro-da oo socota 4 sano kadib.

Marko Arnautovic (Austria)

Ilkay Gundogan (Germany)

Antoine Griezmann (France)

Olivier Giroud (France)

Jesus Navas (Spain)

Jan Vertonghen (Belgium)

Kyle Walker (England)

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga