WARBIXIN: Wargayska Mirror Oo Shaaciyay 10-ka Xiddig Ee Ugu Cad-Cad Ku Guulaysiga Ballon d’Or-ka Sanadkan.

Abaalmarinta Ballon d’Or ayaa soo laabanaysa sanadkan oo la bixin doonaa kadib markii la kansalay sanadkii hore sabab la xidhiidha xanuunka Korona kaas oo dhaliyay muran badan.

14 xiddig oo premier League ah ayaa ka mid ah 30-ka xiddig ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican sanadka kadib markii la shaaciyay Liiska jimcihii hore.

Kooxda ku guulaystay champions League ee chelsea ayaa ku leh xiddigaha Cesar Azpilicueta, Jorginho, N’Golo Kante, Romelu Lukaku & Mason Moun halka ay Man City ku leedahay Kevin De Bruyne, Ruben Dias, Phil Foden, Riyad Mahrez & Raheem Sterling.

Xiddigaha Man United ee Cristiano Ronaldo iyo Bruno Fernandes ayaa ku jira sidoo kale halka xiddigaha Harry kane iyo Mohamed Salah u tartamayaan liiska.

Horyaalka Serie A-da ayaa ku leh xiddigaha Nicolo Barella, Leonardo Bonucci, Giorgio Chiellini, Simon Kjaer & Lautaro Martinez halka La Liga ku leeyahay xiddigaha Karim Benzema, Luka Modric, Gerard Moreno, Pedri & Luis Suarez.

Kooxda PSG ayaa ku leh xiddigaha Gianluigi Donnarumma, Kylian Mbappe, Lionel Messi & Neymar halka ay Xiddigaha Bundesliga ee Erling Haaland & Robert Lewandowski.

Hadaba Halkan Kaga Bogo Liiska 10-ka xiddig ee ugu cad-cad ku guulaysiga abaalmarinta sanadkan.

1) Robert Lewandowski, Bayern Munich

2) Karim Benzema, Real Madrid

3) Jorginho, Chelsea

4) Lionel Messi, Barcelona/Paris Saint-Germain

5) Cristiano Ronaldo, Juventus/Man United

6) N’Golo Kante, Chelsea

7) Kevin De Bruyne, Man City

8) Erling Haaland, Borussia Dortmund

9) Kylian Mbappe, Paris Saint-Germain

10) Mohamed Salah, Liverpool

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*