WARBIXIN: Waa Maxay Sababta Ayna Liverpool U Difaacan Doonin Premier League Xilli Ciyaareedka Dambe.

Kadib markii ay dhawr jeer ku dhawaatay waliba sugeen muddo 30 sano ah Liverpool ayaa ugu dambayn gacanta ku dhigtay koobka premier League iyaga oo xilli ciyaareedkan ku guulaystay, inkasta oo ayna kooxda Liverpool gaadhin rikoodhka 100 dhibcood hadana kooxda Jurgen Klopp ayaa taariikhda kubada cagta England isugu qortay kooxda ugu awooda badan iyaga oo 18 dhibcood ka horeeyay kooxda ugu soo dhaw ee Man City, waxa laga yaabaa in aad ka fikirto in ay Liverpool difaacan doonto horyaalka premier League xilli ciyaareedka dambe laakiin marka dhawr arin la qiimeeyo arintaas uma badna in ay dhici doonto.

Inkasta oo si weyn loo filayo in ay Liverpool difaacato horyaalka premier League hadana waxa laga yaabaa in ay xiddigaha liverpool heli waayaan dhiiri galin marka laga hadlayo difaacashada koobka premier League inkasta oo aan la filayn in ay kooxaha premier League suuqa galiyaan lacag badan oo hoos u dhigta tayda Liverpool hadana waxa ay calaamad su’aal ka taagantahay in ay xiddigaha Sida Mohamed Salah & Sadio mane u ciyaari doonaan rabitaankii ahaa ku guulaysiga horyaalka halka laga yaabo in ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona soo dalbadaan iyada oo sidii cajibka ahayd ee ay u ciyaareen labadii sano ee la soo dhaafay Liverpool-na uga caawiyeen ku guulaysiga Champions League, Club World Cup & Premier League ay dhigtay suuqa kala iibsiga waxana ay haatan khusaysaa labada xiddig ee reer Africa in ay doortaan in ay halyeeynimadooda ku dhisaan Anfield ama ay koox kale ka doortaan.

Hadii ay dhiiri galin dheeraad ah ka iman karto meel kale waxa ay ka iman doontaa kooxaha Man City iyo Man United kuwaas oo horumar sameeyay snaadihii ugu dambeeyay hadii laga hadlo kooxda Man City waxa uu muran ka imanayaa in guulihii koobabka ee sanadihii ugu dambeeyay in ay sabab u ahayd in laga badiyo 9 kulan xilli ciyaareedkii dhamaaday, xilli ay dhaawacyadu door ka qaateen hoos u dhaca kooxda Pep Guardiola hadana waxa ay haysteen tayo ku filan oo ay horyaalka ugu tartamaan waxana ay suuqa xagaagan haatan si xoogan u galeen iyaga oo ku dhaw saxiixa daafaca Bournemouth ee Nathan Ake iyo xiddiga ka ciyaara garabka kooxda Valencia ee Ferran Torres.

Sidoo kale waxa lagu murmi karaa in ay Man United halis ku tahay Liverpool xilli ciyaareedka dambe, markii uu Klopp yimid Anfield waxa ay ku qaadatay wakhti si uu u dhiso koox adag isaga oo sameeyay saxiixyo uu isagu doonayo, waana meesha ay Man United iska heli doonto laakiin xitaa hadii ayna saxiixyo cusub samayn xagaagan kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaasi weyn ugu cad-cad in ay xilli ciyaareedka dambe Liverpool kula tartanto horyaalka premier League kadib qaab ciyaareedkoodii fiicnaa qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii dhamaaday.

Sii Akhriso: 3 Qof Oo Ku Dhintay Qarax Is Miidaamin Ah Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho.

1 Comment

  1. Xayeysiinta Baqti United kama Daashaan Anagana Aqriskiina Kama Daalno Dantasa Dhihi Doonta Iska Dhaafa Aqriska Halkoox.

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*