WARBIXIN: Virgil van Dijk, Christian Pulisic, Aymeric Laporte & Saxiixyada Ugu Qaalisan Ee Ay Kooxaha Premeir League Sameeyeen Suuqa January.

Suuqa January ayaa inta badan ha mid ku adag tababarayaasha kooxaha Premier League iyo waliba milkiilayaasha kooxda marka ay doonayaan in ay xoojiyaan kooxohooda.

Kooxaha qaar ayaa mararka qaar ku qasanaada in ay lacag waali ah ka bixiyaan xiddigaha ay doonayaan in ay ku xoojiyaan kooxda bartamaha xilli ciyaareedka.

Suuqa January ayaa la sameeyay xiddigo badan waxana ka mid ah xiddigo haatan wacdaro ka dhigaya horyaalka premier League.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 10 saxiix ee ugu qaalisan ee ay kooxaha premier League sameeyeen suuqa Janaury.

1.Virgil van Dijk – Southampton -> Liverpool (£75m):

Jurgen Klopp ayaa baanka u jabiyay xiddiga Van Dijik si uu ugu xoojiyo kooxda kadib markii ay Reds muddo dheer ku dhibaatootay dhanka daafaca.

Van Dijk ayaa Reds ku hogaamiyay Champions League iyo Premeir League oo ayna ku guulaysan muddo dheer waxana uu wali yahay xiddiga ugu qaalisan Taariikhda suuqa January.

2.Christian Pulisic – Borussia Dortmund -> Chelsea (£57.5m):

Chelsea ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga Pulisic suuqii January ee 2019 laakiin dib ugu dirtay amaah kooxda Dortmund oo uu la dhamaystay xilli ciyaareedka.

3.Aymeric Laporte – Athletic Bilbao -> Manchester City (£57.2m):

Man City ayaa raadinaysay daafaca dhexe oo ay ku xoojiso kooxdeeda waxana ay baanka u jabisay daafaca Laporte sanadkii 2018 iyaga oo kala soo wareegay kooxda Athletic Bilbao.

4.Pierre-Emerick Aubameyang – Borussia Dortmund -> Arsenal (£56m):

Arsenal ayaa Aubameyang kala soo saxiixatay Borussia Dortmund sanadkii 2018 waxana uu xiddiga reer Gabon si fiican ula qabsaday kooxda ku ciyaarta Emirates Stadium.

5.Fernando Torres – Liverpool -> Chelsea (£50m):

Chelsea ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaqday saxiixa xiddiga Torres kaas oo ay kala soo wareegtay liverpool maalmihii ugu dambeeyay ee suuqa January 2011 laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu Blues qaab fiican ku soo bandhigay.

6.Bruno Fernandes – Sporting Lisbon -> Manchester United (£46.5m):

Waa xiddig kale oo ay Man United baanka u jabisay suuqa January kadib markii ay suuqii January ee 2020 la soo wareegtay kooxda Sporting Lisbon.

Xiddiga reer Portugal ayaa saamayn waali ah ku yeeshay Man United isaga oo dhaliyay 19 gool 31 kulan oo uu u ciyaaray Kooxda Man United.

7.Juan Mata – Chelsea -> Manchester United (£37.1m):

Mata ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican ee kubad sameeyaha ah ee adduunka markii ay Man United kala soo wareegtay kooxda Chelsea suuqii January 2014.

8.Andy Carroll – Newcastle -> Liverpool (£35m):

Carroll ayaa Liverpool ugu biiray 35 milyan xilli ay Liverpool doonaysay in ay xoojiso weerarkeeda suuqii January 2011 markaas oo ay badal uga dhigeen Fernando Torres.

9.Edin Dzeko – Wolfsburg -> Manchester City (£31.5m):

Weeraryahanka Dzeko ayaa Man City kaga soo biiray kooxda Wolfsburg suuqii January 2011 waxana uu 5 sano ku qaatay kooxda ku ciyaarta Etihad Stadium.

10.Willian – Anzhi Makhachkala -> Chelsea (£30m):

Kadib markii uu xiiso dhab ah ka helay kooxaha Liverpool iyo Tottenham Willian ayaa go’aansaday in uu ku biiray kooxda Chelsea suuqii January 2013 isaga oo ku yimid lacag 30 milyan ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*