WARBIXIN: Timo Werner Oo Ku Biiray Liiska Xiddigo Weeraryahano Ah Oo Ku Fashilmay Chelsea.

Xiddiga Timo Werner ayaa ku soo biiray chelsea xagaagii hore isaga oo 53 milyan oo euro ugu soo biiray kooxda waxana laga filayay wax weyn iyo waliba in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.

Markii uu joogay RB Leipzig Timo Werner ayaa ahaa weeraryahanka loogu cabsida badan yahay yurub isaga oo dhaliyay 34 gool kooxdiisana ka caawiyay in ay gaadho Semi-final-ka tartanka champions Leageu.

Laakiin Werner ayaa ku dhibaatooday chelsea tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda isaga oo kaliya dhaliyay 5 gool 28 kulan oo uu u ciyaaray horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Werner ayaa ilaa haatan ku fashilmay kooxda chelsea isaga oo la kulmay dhaleecayn xoogan tan ilaa markii uu premier League waxana uu ku biiray liiska weeraryahano ku fashilmay kooxda chelsea.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo liiska xiddigo weeraryahano oo ku fashilmay kooxda chelsea:

ANDRIY SHEVCHENKO

ALVARO MORATA

FERNANDO TORRES

ROMELU LUKAKU

RADAMEL FALCAO

GONZALO HIGUAIN

ADRIAN MUTU

MATEJA KEZMAN

Sii Akhriso: Fariimo Jacayl Macaan Oo Shukaansi ah Waliba Qalbiga Soo Jiidanayo

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*