WARBIXIN: Tartanka Loogu Jiro 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premeir League Oo Sii Xoogaysanaya & Kulamada U Hadhay Kooxaha Leicester Cit, Chelsea, Tottenham & Liverpool.

Tartanka Loogu jiro boosaska champions League ee horyaalka premeir League xilli ciyaareedkan ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo kooxo badan isku baacsanayaan 4 boos oo aan wali lagu kala bixin.

Kooxaha Leicester City, Chelsea, Tottenham iyo Liverpool ayaa ah 4 kooxood oo isku haysta boosaska 3-aad iyo 4-aad ee horyaalka premier League kuwaas oo ah boosaska loogu soo bixi karo champions League xilli ciyaareedka dambe

Kooxaha Leicester City, Chelsea iyo Tottenham ayaa dhamaantood dhibco lumiyay todobaadkan kadib markii 2 laga badiyay mid kalena ba-rbaro gashay kulamadii ay ciyaareen Sabtidii iyo Axadii.

Liverpool ayaa Arintaas ka faa’iidaystay iyaga oo gaadhay guul weyn oo premier League ah kadib markii ay garaaceen kooxda Arsenal iyaga oo kor u qaaday fursadohooda ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu saraysa.

Waxa haatan 4-ta kooxood ee kor ku xusan u hadhay min 8 kulan oo horyaalka premeir League ah waxana ay ku tartami doonaan 2-da boos ee hadhay marka loo eego in ay Man United iyo Man City haatanba xaqiiqsadeen boosaskooda.

Halkan Hoose Kaga Bogo Kulamada u hadhay Koox walba oo ka mid ah kooxaha u tartamaya boosaska champions league ee Leicester City, Chelsea, Tottenham iyo Liverpool.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*