WARBIXIN: Tababarayaasha Ugu Qaalisan Ee Lacagta Lagula Wareegay Oo La Soo Saaray.

Inta badan waxa si weyn looga hadlaa lacagaha lagu kala iibsado xiddigaha kubada cagta iyada oo sanad walba suuqa lagula kala wareego xiddigo badan.

Waxa jira xiddigo loo jabiyo baanka isla markaas lacag aad u badan lagula kala wareego sida ka dhacday suuqii xagaaga ee dhawaan xidhmay.

Laakiinta badan lagama hadlo lacagaha lagula kala wareego tababarayaasha kubada cagta laakiin waa arin dhacda mar walba marka ay koox doonayso tababare hogaamiya koox kale.

Kooxda chelsea ayaa khamiistii ku dhawaaqday tababare Graham Potter kaas oo ay kala wareegtay kooxda Brighton si ay ugu badasho Thomas Tuchel oo ay shaqada ka caydhiso.

Laakiin chelsea ayaa ku qasbanaatay in ay bixiso lacag ay ku bur-buriso heshiiskii uu tababaruhu kula jiray kooxda Brighton iyada oo Blues ka bixisay lacag dhan 20 milyan.

Laakiin Potter ayaan ahayn tababaraha ugu qaalisan ee lala kala wareego kubada cagta maadama ay Bayern Munich 21.7 milyan kula wareegtay tababareheeda haatan ee Julian Nagelsmann.

Hadaba Halkan Hoose sawirka kaga bogo tababarayaasha ugu qaalisan ee lacagaha lagula kala wareegay taariikhda kubada cagta:

Image