WARBIXIN: Soo Laabashada Auba & 4 Arin Oo Ka Dhici Kara Arsenal Ka Hor Inta Uuna Xidhmin Suuqa Xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa xidhmi soona 1 bisha September Waxana la filayaa in ay Arsenal mashquul ku ahaato suuqa kala iibsiga.

Waxa dhici karta in ay xiddigo badan ka tagaan Arsenal sidoo kale xiddigo kale yimaadaan ka hor inta uuna suuqu xidhmin maalinta khamiista.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa waxa ka dhici kara Arsenal saacadaha ka dhiman suuqa xagaaga.

Pedro Neto Oo Iman kara:

Kadib bixitaankii Nicolas Pepe, Mikle Arteta ayaa doonaya in uu xoojiyo dookhyada weerarkiisa ka hor inta uuna suuqu xidhmina waxana uu doonayaa xiddiga kooxda Wolves ee Neto.

Laakiin Wolves ayaa si cad u diidan in ay iibiso xiddiga laakiin lacag kor u dhaafaysa 50 milyan ayaa sabab u noqon karta in ay Wolves ogolaato bixitaanka xiddiga 22 jirka ah.

Isku daygii Ugu Dambeeyay Ee Tielemans:

Leicester City ayaa hoos u dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga Youri Tielemans waxana ay ka dhigtay kaliya 20 milyan oo euro iyada oo doonaysa in ay lacag ku hesho halkii ay xor ku waayi lahayd xagaaga.

Kooxda Arsenal oo xagaagan oo dhan lala xidhiidhinayay Tielemans ayaa laga yaabaa in ay u dhaqaaqdo oo ay ku xoojiso kooxdeeda.

Maitland-Niles Oo Toos Uga Tagi Kara Arsenal:

Ainsley Maitland-Niles wax mustaqbal ah kuma lahan Arsenal, waxaana la joogaa waqtigii 25 jirkaan u dhaqaaqi lahaa koox cusub oo uu u ciyaaro.

Kooxaha West Ham iyo Southampton ayaa la sheegay inay xiiseynayaan ciyaaryahanka khadka dhexe.

Aubameyang oo ku laabta London:

Kabtankii hore ee Arsenal Pierre-Emerick Aubameyang ayaa laga yaabaa inuu ku laabto London laakiin kuma soo laabanayo Arsenal laakiin waxa uu ku dhawyahay Chelsea.

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay wadahadalo kula jirto Barcelona si ay 33 jirkaan u keenaan Stamford Bridge ka hor dhamaadka suuqa kala iibsiga.

1 Comment

Comments are closed.