WARBIXIN: Sidee Ayuu Pep Guardiola Uga Hor Iman Karaa Midkood Kooxihiisii Hore ee Bayern Munich Ama Barcelona.

Waxa xalay la soo afjaray kulamadii wareega 16-ka champions League iyada oo kooxaha Barcelona iyo Bayern Munich kala garaaceen kooxaha Chelsea Iyo Napoli.

Kooxda Barcelona ayaa 3/1 ku garaacday kooxda Napoli kulan ka dhacay Camp Nou iyaga oo si raaxo leh isaga xaadiriyay wareega 8 dhamaadka tartanka.

Dhanka kale kooxda Bayern Munich ayaa guul weyn oo 4/1 ah ka gaadhay kooxda chelsea kulan ay sii muujiyeen awoodooda xilli ciyaareedkan.

Kadib kulahaas kooxaha Bayern Munich & Barcelona ayaa isaga hor iman doona wareega 8 dhamaadka tartanka champions league maalinta jimcaha soo socda.

Labada kooxood oo ah kooxo uu soo tababaray tababaraha Man City ee Pep Guardiola ayaa wareega xiga kula kulmi kara kooxda Man City ee uu hogaamiyo Guardiola.

Man City ayaa dhankeeda la ciyaari doonta kooxda Lyon kulan ka tirsan 8 dhamaadka iyada oo hadii ay badiso midkood la ciyaari doonta kooxaha Barcelona ama Bayern Munich midkooda soo badiya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*