WARBIXIN: Shan Xul Oo U Cabsanaya Booskooda Koobka Adduunka Qatar 2022.

Xilli ay xulalka Brazil, Germany, England & Italy dhamaan badiyeen kulamadoodii is reebb-reebka koobka adduunka ee ay ilaa haatan ciyaareen waxa jira xulal ku dhibaatoonaya in ay guulo muhiim ah gaadhaan taas oo khatar galinaysa booskooda koobka adduunka ee lagu qaban doono qatar.

Xulalka Croatia, Colombia, the Netherlands, Uruguay & Spain ayaan ilaa haatan soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanci karo waxana ay u cabsanayaan booskooda koobka adduunka sanadka 2022.

Croatia:

Xulka Croatia ayaa guuldaro kala kulmay Slovenia kulankoodii ugu horeeyay ee is reeb-reebka halka ay guul diriqa ah ka gaadheen xulka Cyprus.

Dhanka kale xulka Russia ayaa badiyay labadiisii kulan halka ay sidoo kale Malta iyo Slovenia ka horeeyaan xulka Croatia.

Colombia:

Xulka Colombia ayaa haatan ku jira kaalinta 7-aad 10-ka xul ee South America ee isku Group-ka ah iyaga oo kaliya helay 4 dhibcood kulamo dhawr ah oo ay ciyaareen.

The Netherlands:

Kadib markii uu tababare Ronald Koeman ka tagay, Xulka Netherland ayaa ku dhibaatooday in ay soo bandhigaan qaab ciyaareed fiican.

Xulka Netherland ayaa kaalinta 2-aad kaga dhamaystay tartanka Nations Leaue iyaga oo sidoo kale guuldaro 4/2 ah kala kulmay xulka Turkey kulamada is reeb-reebka koobka adduunka.

Wxa ay ka badiyeen Latvia laakiin wali waxa ay ka dambeeyaan xulalka Turkey iyo Montenegro Kuwaas oo 6 dhibcood haysta.

Uruguay:

Xulka Uruguay ayaa ku jira kaalinta 5-aad ee Group-kooda waxana ay badiyeen kaliya 2 kulan 4 kulan oo ay ilaa haatan cyaareen.

Spain:

Inkasta oo uuna Group-ka Spain ee is reeb-reebku ahayn mid adag hadan xulka Spain ayaa ku fashilmay in ay guul ka gaadhaan xulka Greece.

Kulankoodii 2-aad waxa ay guul dirqi ah ka gaadheen xulka Georgia iyaga oo daqiiqadii ugu dambaysay ka dhaliyay goolka guusha waxana ay arintaas wal-wal ku tahay xulka Spain.

Sii Akhriso: 5 Calaamad Oo Aad Ku Ogaan Karto In Jacaylkaagu Dhab Yahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*