WARBIXIN: SHAN Xiddig Oo Ay Man United U Dhaqaaqi Karto Hadii Ay Waydo Saxiixyada Bale & Sancho

Man United ayuu godkeeda biyo ugu galeen kadib markii uu wakiilka Gareth Bale xaqiijiyay in uu xiddigu ku laaban doono kooxda Tottenham hadii ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Spurs ka heshiiyaan.

Kadib sanado badan oo ay isku dayaysay in ay Bale keento Old Trafford United ayaa bartilmaameed ka dhigatay xiddiga iyaga oo u doonayay badalka Jadon Sancho ee xagaagan.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa si cad ugu sheegay Man United in uu doonayo Jadon Sancho laakiin qiimaha ay Borussia Dortmund dul dhigtay xiddiga ayaa sabab u noqotay in ay United ka laabato baacsiga ay ugu jirto xiddiga.

United ayaa Bale ka dhigatay badalkiisa iyaga oo doonayay in ay Real Madrid kala soo wareegaan xiddiga inta lagu jiro xagaagan iyaga oo xitaa amaah ku helayay.

Laakiin wakiilka Bale ayaa xaqiijiyay in uu 31 jirku doonayo in uu ku laabto Tottenham oo uu 7 snao ka hor ka tagay kuna biiray Real Madrid.

Taas ayaa la macno ah in ay Man United raadsato xiddigo kale wargayska Daily Star ayaana soo bandhigay 5 xiddig oo uu Solskjaer u dhaqaaqi karo xagaagan.

Xiddiga ugu horeeya ayaa ah xiddiga kooxda Inter Milan ee Ivan Perisic kaas oo xilli ciyaareed fiican oo amaah ah ku soo qaatay Bayern Munich waliba horay loola xidhiidhinayay United ka hor intii uuna ku biirin Bayern.

Xiddiga kale ayaa ah xiddiga kooxda Juventus ee Douglas Costa kaas oo ay Juventus si aad ah u doonayso in ay iska iibiso xagaagan.

Xiddiga kooxda Bournemouth ee David Brooks ayaa ah xiddiga 3-aad waana xiddig la filayo in uu isaga tago kooxda Bournemouth kadib markii ay kooxdu ka dhaadhacday premier Legaue xilli ciyaareedkii hore.

Waxa mid ah xiddiga kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman kaas oo Bayern Munich ku hogaamiyay champions League xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa la filayaa in uu booskiisa joogtada ah ee kooxda waayo kadib markii uu Leroy Sane ku soo biiray kooxda.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah xiddiga 20 jirka ah ee u ciyaara kooxda Schalke laguna magacaabo Rabbi Matondo waana xiddig la bar-bar dhig o halyeeyga kooxda Man United ee Ryan Giggs.

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*