
Kulan xiiso leh ayaa caawa dhexmari doona kooxaha Man United iyo Arsenal kulan si weyn loo wada sugayo.
Labada Kooxood ayaa ku hubaysan xiddigaha Cusub iyada oo la filayo in ay Qayb ka ahaadaan Kulanka caawa.
Ka Hor Kulankooda Premier League waxa la Soo saaray 3-da meel ee ay ku kala badin karaa Labada Kooxood.
Benjamin Sesko vs. William Saliba:
Halkee ayaan ku bilaabi karnaa marka laga reebo weeraryahanka cusub ee United? Benjamin Šeško ayaa ku biiri karay Arsenal horaantii xagaagan laakiin haatan waxa uu kulankiisii ugu horeeyay u safan doona kubada cagta Ingariiska isaga oo xidhan funaanad ka duwan kuwii hore isaga oo doonaya in uu Gunners xasuusiyo wixii ay seegeen.
Seško waa Xiddig ku adag daafac kasta laakiin Arsenal ayaa heysata mid ka mid ah kuwa ugu fiican daafaca William Saliba, kaasoo u baahan doona wax walba oo jir ahaan iyo taatiko ah si uu joojiyo weeraryahanka.
Harry Maguire Vs Viktor Gyökeres:
Dhinaca kale waxa la daawan doonaan dagaal la mid ah midka kor ku xusan waxana isku Hor iman doona Maguire iyo Gyokeres kuwaas oo go’aamin Kara Kulanka.
Gyökeres ayaa xagaagan ku Soo biiray Arsenal laakiin waxa sidoo kale doonaysay Man United laakiin xiddiga ayaa ku biiray Arsenal waxana uu ka Hor iman doonaan tabbaarihiisii hore.
Weeraryahanka ayaa u baahnaan doona in uu Dhaafo Maguire kaas oo isku dayi doona in uu joojiyo inta uu socdo kulanku.
Bruno Fernandes vs. Declan Rice:
Waa iska Hor imaad muhiin u ah Kulanka iyada oo Labada Xiddig muhiim u yihiin Kulanka Kooxdooda.
Bruno oo ah kabtanka man United ayaa ka Hor iman doona xiddiga Rice kaas oo dhinaciisa muhiim u ah Gunners.
Labadan Xiddig midkiisa ku Guulaysta in uu maamulo ciyaarta ayaa ka caawin doona kooxdiisa in ay natiijo kala baxdo Kulanka.
Be the first to comment