WARBIXIN: Jacquet, Cancelo, Guehi Iyo Saxiixyada Ilaa Haatan La Dhamaystiray Suuqa January.

Waxa lagu jiraa suuqa kala iibsiga January iyada oo kooxuhu bilaabeen in ay xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Kooxo badan ayaa ku mashquulsan xoojinta kooxda halka ay xiddigo badan doonayaan in ay ku biiraan kooxo cusub qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada dhaca furitaanka ilaa inta uu suuqa January ka xidhmayo:

Jeremy Jacquet -> Liverpool:

Jeremy Jacquet Ayaa noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda Liverpool isaga oo ku soo biiray kooxda Slot.

Liverpool ayaa ogolaatay in ay bixiso lacag dhan 60 milyan oo euro si ay uga dhigto daafacyada da’yarka ah ee ugu qaalisan.

Si kasta ha haatee xiddiga Jeremy Jacquet ayaa ku soo biiri doono Liverpool dhamaadka xilli ciyaareedkan xagaaga soo socda.

Marc Guehi -> Man City

Kooxda Man City ayaa dhamaystirtay  Saxiixa daafaca kooxda Crystal Palace ee Marc Guehi.

Man City ayaa saacadihii ugu Dambeeyay ku mashquulsnaaa Sidii ay u dhamaystiri lahaayeen Saxiixa daafaca dhexe.

João Cancelo -> Barcelona:

Kooxda Barcelona ayaa dhamaystirtay saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee João Cancelo kaas oo ay kala soo wareegayso kooxda sucuudiga ka ciyaarta ee Al-Hilal.

Barcelona ayaa João Cancelo kula soo wareegtay heshiis amah 6 bilood ah oo ah inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa bixisay lacag dhan 4 milyan oo euro oo heshiiska amahda ah si ay u dhamaystiraan saxiixiisa.

Antoine Semenyo -> Man City:

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u dhamaystirtay saxiixa xiddiga garabka weerarka uga ciyaara Bournemouth ee Antoine Semenyo sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga Antoine Semenyo Ayaa noqoanaya saxiixii ugu horeeyay ee ay Man City samayso suuqa January ee Bishan.

Man City ayaa ogolaatay in ay bixiso lacagta 65 milyan ee lagu bur-bur Karo heshiiskiisa kooxda Bournemouth.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga