WARBIXIN: Saxiixyada Ugu Qaalisan Taariikhda Liverpool Oo La Soo Saaray.

Kooxda Liverpool ayaa wacdaro ka dhigaysa suuqa kala iibsiga xagaaga iyaga oo la soo saxiixday xiddigii 5-aad suuqa.

Liverpool ayaa baanka u jabisay saxiixa xiddiga Hugo Ekitike kaas oo ay ku xoojinayso kooxdeeda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.

Reds ayaa saxiixa Hugo Ekitike ka soo bixisay lacag dhan 79 milyan oo euro marka laga reebo lacagaha gunooyinka ah.

Hadaba sky Sport ayaa soo bandhigtay saxiixyada ugu qaalisan taariikhda kooxda Liverpool.

Xiddiga Florian Wirtz ayaa ah xiddiga ugu qaalisan taariikhda Liverpool isaga oo ku fadhiya 116.5 milyan euro

Xiddiga cusub ee Hugo Ekitike ayaa ku jira kaalinta 3-aad isaga oo ku fadhiya 79 milyan euro.

Waxa ku xiga xiddiga Darwin Nunez kaas oo ku fadhiya 85 milyan euro halka daafaca Virgil Va Dijk ku fadhiyo 75 milyan.

Xiddiga Allison Becker ayaa ku fadhiya 65 milyan euro iyada oo uu sidoo kale ku xigo xiddiga Khadka dhexe ee Dominik Szoboszlai kaas oo ku fadhita 60 milyan euro.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga