WARBIXIN: Saxiixyada Ugu Qaalisan Ilaa Haatan Suuqa Kala Iibsiga Xagaagan.

Michael Olise ayaa haatan ah saxiixii ugu qaalisan ee suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer France ayaa Bayern Munich ugu biiray 53 milyan oo euro isaga oo kaga soo biiray Crystal Palace, kooxda Bundesliga ka dhisan ayaa ku garaacday Chelsea, Manchester United iyo qaar kale oo badan.

Xiddiga Douglas Luiz oo 51.5 milyan oo euro ugu biiray Juventus kagana biiray Aston Villa ayaa noqday midka 2-aad ee ugu qaalisan ilaa haatan suuqa kala iibsiga.

Xiddiga ay Olise isku kooxda yihiin ee Joao Palinha ayaa ah xiddiga 3-aad ee ugu qaalisan xagaagan iyada oo xiddiga reer Portugal ugu biiray Bayern Munich heshiis 51 milyan ah.

Xiddigaha Endrick iyo Maximilian Kilman oo Heshiis 47.5m ah ugu biiray Real Madrid iyo West Ham ayaa ku jira kaalinta 3-aad.

Xiddiga Ian Maatsen ayaa galay kaalinta 6-aad isaga oo noqday xiddiga ugu qaalisan taariikhda Aston Villa kadib markii uu 44.5 Milyan ugaga biiray chelsea.

Man United ayaa 42.5 milyan ka bixisay xiddiga Joshua Zirkzee waxana uu noqday xiddiga 7-aad ee ugu qaalisan suuqa xagaagan.

Xiddiga chelsea ee Kiernan Dewsbury-Hall oo Blues ugu biiray 35.4 milyan ayaa noqday xiddiga 10-aad ee ugu qaalisan suuqa xagaagan ilaa haatan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga