WARBIXIN: Saxiixyada Haatanba La Dhamaystiray Ka Hor Furitaanka Suuqa Xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaan wali si Rasmi ah u furmin laakiin kooxaha reer yurub ayaa isku diyaarinaya in ay mashquul noqdaan suuqa xagaaga.

Sidii caadada ahayd suuqyadii ugu dambeeyay waxa jiri doona xiddigo xor lagu heli karo suuqa xagaaga sabab la xidhiidha in heshiiskoodu dhici doono.

Inkasta oo uuna wali xilli ciyaareedku dhamaan sidoo kale wali aan la furin suuqa kala iibsiga xagaaga waxa haatanba jira heshiisyo la dhamaystiray.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ilaa haatan la dhamaystiray inkasta oo uuna suuqu wali furmin.

Antonio Rudiger – Chelsea to Real Madrid:

Xiddiga reer Germany ayaa ku biiray Real madrid isaga oo ugu biiraya qaab xor ah kadib marka uu heshiiskiisa chelsea dhoco dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Blues ayaa doonaysay in ay sii haysato xiddiga daafaca ka ciyaara laakiin Waxa uu diiday in uu heshiis cusub saxiixo waxana uu heshiis hordhac ah la gaadhay Real si uu ugu biiro Los Blancos dhamaadka xilli ciyaareedka.

Niklas Sule – Bayern Munich -> Borussia Dortmund:

Xiddiga Sule ayaa noqday xiddigii ugu dambeeyay ee ka taga Bayern Munich kuna biira kooxda ay xafiiltamaan ee Dortmund isaga oo qaab xor ah ugu biiraya kooxda Borussia Dortmund.

Matt Turner New England Revolution -> Arsenal:

Goolhayaha 27 jirka ah ayaa noqon doona saxiixa ugu horeeya ee kooxda Arsenal ee xagaaga isaga oo ku biiri doona Gunners marka uu dhamaado xilli ciyaareedka si uu ula tartamo goolhayayaasha r Aaron Ramsdale & Bernd Leno.

Joaquin Correa – Lazio -> Inter Milan:

Kadib markii uu xiddiga Correa amaah ku qaatay Inter Milan, waxa ay kooxda difaacanaysa horyaalka Serie A-da si toos ah ula wareegi doontaa xiddiga waxana haatanba la dhamaystiray heshiiska.

Erling Haaland – Borussia Dortmund -> Man City:

Kooxda Man City ayaa haatanba xaqiijisay in ay Dortmund kala heshiisay saxiixa Xiddiga Haaland waxana uu xiddigu sugayaa inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedku.

Fabio carvalho – Liverpool Fulham -> Liverpool:

Liverpool ayaa la filayaa in ay maalmaha soo socda ku dhawaaqdo saxiixa xiddiga da’yarka ah kaas oo la filayo in uu noqdo saxiixa ugu horeeya ee Kooxda Jurgen Klopp.

Lorenzo Insigne – Napoli -> Toronto:

Insigne Ayaa ka tagi doona kooxda Napoli kadib sanado badan oo uu joogay kooxda waxana uu ku biiri doonaa kooxda Toronta kadib markii uu kooxda Napoli u saftay wax ka badan 400 oo kulan.