WARBIXIN: Lukaku, Grealish & Saxiixyada Ay Sameeyeen Kooxaha Premier League Ilaa Haatan Suuqa Xagaaga

Kadib markii ay soo xidhmeen tartamada euro 2020 iyo Copa America 2021 waxa haatan diirada la saarayaa suuqa kala iibsiga xagaaga oo ay kooxaha reer yurub u galayaan sidii ay u xoojin lahaayeen kooxohooda.

Kooxaha premier League ayaa haatanba suuqa galiyay lacag badan iyaga oo haatanba la soo saxiixday xiddigo cusub oo ay ku xoojinayeen kooxohooda ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub ee horayaalka.

Inkasta oo lagu mashquulsanaa tartamada euro iyo Copa America hadana kooxaha premier League ayaa haatanba suuqa galiyay lacag dhan 265 milyan oo euro inkasta oo aan wali la samayn saxiixyo waaweyn.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigaynaa saxiixyada ay sameeyeen kooxaha premier League ilaa haatan:

Romelu Lukaku – Chelsea (97.5)

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga Romelu Lukaku kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Inter Milan.

Chelsea ayaa Lukaku ka saxiixatay heshiis uu kooxda ku joogi doono ilaa xagaaga 2026 taas oo la macno ah in uu qalinka ku duugay heshiis 5 sano ah oo uu ku joogi doono Stamford Brdige.

Jack Grealish – Man City (100m)

Kooxda Man City ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay dhamaystirtay saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Jack Grealish kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Aston Villa.

Kooxda Man City ayaa xiddiga 25 jirka ah ka saxiixatay heshiis wakhti 6 ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Etihad Staduim sidaasna ku noqday saxiixa ugu qaalisan taariikhda kooxda.

Ben White – Arsenal  (50m)

Kooxda Arsenal ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga daafaca ka ciyaara ee Ben White kaas oo ay kala soo wareegtay kooxda Brighton.

Daafaca dhexe ee Ben White ayaa noqday saxiixii 3-aad ee ay kooxda Arsenal samayso suqua xagaagan iyaga oo ka saxiixday lacag dhan 50 milyan oo euro.

Marcus Bettinelli – Chelsea (Xor)

Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah ugu dhawaaqday in ay dhamaystirtay saxiixa Goolhaye Marcus Bettinelli kaas oo kooxda kaga soo biiray Fulham.

Goolhayaha ayaa qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah oo uu ku joogi doono Blues isaga oo sidaas ku noqday saxiixii ugu horeeyay ee kooxda chelsea xagaagan.

Goolhaye Marcus Bettinelli ayaa chelsea kaga soo biiray kooxda Fulham oo uu qaab xor ah uga yimid kadib markii uu dhacay heshiiskiisa kooxdaas.

Raphael Varane – Man United (50m)

Kooxda Man United ayaa sii wada wacdaraha ay ka dhigayso suuqa xagaaga iyada oo samaysay saxiixeedii 2-aad ee ugu weynaa xagaagan iyaga oo dhamaystiray saxiixa xiddiga Raphael Varane kaas oo ay kala soo wareegeen kooxda Real Madrid.

Xiddiga reer France ayaa qalinka ku duugay heshiis uu Red Devils ku joogi doono ilaa xagaaga 2026 iyo waliba hal sano oo dookh ah isaga oo sidaas ku noqday saxiixii 2-aad ee ay United u jabiso baanka xagaagan

Albert Sambi Lokonga – Arsenal (17.5m):

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda sii waday suuqeeda iyaga oo xiddiga khadka dhexe ee xiddiga Albert Sambi Lokonga ka dhigay saxiixeedii 2-aad kadib markii ay horay ugu dhawaaqeen saxiixa xiddiga Nuno Tavares.

Jadon Sancho – Man United (72m)

Kooxda Man United ayaa xiddiga Jadon Sancho ka dhigtay saxiixeedii ugu horeeyay ee suuqa xagaagan iyaga oo baanka u jabiyay xiddiga reer England waliba ka dhigay saxiixooda 3-aad ee ugu qaalisan taariikhda Kooxda.

Ibrahima Konate – Liverpool (£36m):

Liverpool ayaa saxiixeeda ugu horeeya ka dhigtay daafaca dhexe kadib markii ay xilli ciyaareedkii hore ku dhibaatootay dhaawac dhanka daafaca dhexe ah waxana ay saxiixeeda ugu horeeya ka dhigtay daafaca Ibrahima Konate.

Nuno Tavares – Arsenal (£7.2m):

Kadib markii uu muddo yar ku soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah Arsenal ayaa la soo saxiixatay xiddiga Nuno Tavares kaas oo ay ka dhigeen saxiixoodii ugu horeeyay suuqa kala iibsiga xagaaga iyada oo xiddiga 21 jirka ah booska kula tartami doono xiddiga Kieran Tierney.

Tom Heaton – Manchester United (Xor):

kooxa Man United ayaa si lama filaan ah ugu dhaqaaqday saxiixa Goolhaye Heaton kaas oo ay qaab xor ah kala soo wareegtay kooxda Aston Villa waxana ay Goolhayaha reer England ka dhigatay saxiixyadeeda cusub ee xagaagan.

Angus Gunn – Norwich City (£5.3m)

Nathan Collins – Burnley (£12.6m)

Junior Firpo – Leeds (£13.5m)

Romain Perraud – Southampton (£10.8m)

Ashley Young – Aston Villa (Xor)

Danny Rose – Watford (Xor)

1Enock Mwepu – Brighton (£20.7m)

Boubakary Soumare – Leicester (£18m)

Imran Louza – Watford (£9m)

Billy Gilmour – Norwich (Loan)

Emi Buendia – Aston Villa (£34.5m)

Michael Olise – Crystal Palace (£8.4m)

Milot Rashica – Norwich (£9.9m)

Trincao – Wolves (Loan)

Patson Daka – Leicester (£27m)

Emmanuel Dennis – Watford (£3.6m).

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Maxaa Dhacaya Hadii Gabadhu Diido Ninkeeda Kulanka Sariirta, Nabigeena {N.N.K.H} Ayaa Ka Hadlay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*