WARBIXIN: Saxiixyada Arsenal & Man United Ee Dhici Kara Suuqa January, 5 Xiddig Oo Ka Tagaya Man United & Gunners Oo Doonaysa Hal Saxiix.

Suuqa Kala IIbsiga January ayaa fooda inagu soo haya kooxaha reer England ayaana isku diyaarinaya in ay sameeyaan saxiixyo si ay u xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka.

Xiddigo badan ayaa la filayaa in ay ku biiraan kooxaha kala duwan ee reer England kuwaas oo doonaya in ay dhankooda ku biiraan kooxaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada la filayo in ay sameeyeen Man United iyo Arsenal iibsiga January.

Man United:

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay kooxda Man United ugu yaraan kooxdu fasixi doonto 5 xiddig kuwaas oo xiiso ka haysata kooxo badan oo kala duwan.

Xiddigaha Phil Jones, Odion Ighalo, Timothy Fosu-Mensah, Sergio Romero Iyo Marcos Rojo ayaa ah xiddigaha la filayo in ay isaga tagaan kooxda Man United.

Arsenal:

Dhanka kale kooxda Arsenal ayaa suuqa u gali doonta xoojinta kooxdeeda gaar ahaan khadka dhexe xilli ay kooxdu ku dhibaatoonayso kubad samaynta xilli ciyaareedkan.

Xiddiga kooxda Norwich City ee Emiliano Buendia ayuu Mikel Arteta u calaamadsaday in uu helosaxiixiisa marka uu furmo suuqa Janaury.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*