WARBIXIN: Saddexley-da Weerarka Ugu Fiican 5-ta Horyaal Ee Ugu Waaweyn Yurub Oo La Soo Saaray

Horyaalada ugu waaweyn yurub ayaa xilli ciyaareedkan maraya meel aan horay loo arkin marka loo eego in kooxaha ugu waaweyn qaaarada ayna ku jirin qaab ciyaareedkii looga bartay.

Dhanka gool dhalinta waxa jira xiddigo lamaanayaal ah oo haatanba muujiyay awoodooda iyaga oo qaab ciyaareed fiican ku jira kooxodoodana ka caawiyay goolal badan.

Xiddigaha weerarka uga ciyaara kooxda Tottenham ee Kane, Bale, Son ayaa ah saddexleyda ugu fiican qaarada yurub xilli ciyaareedkan iyaga oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League.

Saddexleyda ayaa dhaliyay 24 gool ilaa haatan horyaalka premier League inkasta oo kaliya la ciyaaray 8 gool oo horyaalka ah.

Waxa ku xiga xiddigaha kooxda Bayern Munich ee Lewandowski, Gnabry, Coman kuwaas oo dhaliyay dhexdooda 22 gool horyaalka Bundesliga.

Xiddigaha Liverpool ee Mane, Salah iyo Firmino ayaa ku jira kaalinta 3-aad iyaga oo dhaliyay 18 gool ilaa haatan horyaalka premier League.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Saddexleyda ilaa haatan ugu goolasha badan horyaalada yurub:

  1. Tottenham Hotspur (Kane, Bale, Son) – 24 goals
  2. Bayern Munich (Lewandowski, Gnabry, Coman) – 22 goals
  3. Liverpool (Mane, Salah, Firmino) – 18 goals
  4. Borussia Dortmund (Haaland, Reus, Sancho) – 17 goals
  5. Atletico Madrid (Luis Suárez, Joao Felix, Marcos Llorente) – 16 goals
  6. Chelsea (Werner, Havertz, Ziyech) – 16 goals
  7. Atalanta (Papu Gomez, Zapata, Muriel) – 15 goals
  8. Manchester United (Martial, Bruno Fernandes, Rashford) – 15 goals
  9. PSG (Neymar, Kean, Mbappe) – 14 goals
  10. Juventus (Dybala, Cristiano Ronaldo, Morata) – 14 goals
  11. Barcelona (Messi, Ansu Fati, Griezmann) – 13 goals
  12. Inter (Lautaro Martínez, Lukaku, Barella) – 12 goals
  13. Borussia Monchengladbach (Plea, Stindl, Thuram) – 12 goals
  14. Real Madrid (Benzema, Vinicius, Asensio) – 9 goals
  15. Arsenal (Lacazette, Aubameyang, Willian) – 7 goals
  16. RB Leipzig (Olmo, Poulsen, Forsberg) – 6 goals

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*