WARBIXIN: Saddex Sabab Oo Keentay Bar-Barihii Real Madrid La Gashay Mallorca

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro ku bilaabatay difaacashada horyaalka La Liga.

Kooxda Real Madrid ayaa bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Mallorca kulankoodii ugu horeeyay ee La Liga.

Real Madrid ayaan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay marka la eego awooda xiddigaha kooxdeeda.

Hadaba warbixintan waxa aan ku soo bandhigi doonaa 3 sabab oo keentay bar-barihii ay Real Madrid la gashay.

1.Xiddigaha Oo Isku qabsanayay boosaska:

Waxa la arkay in badan oo ciyaarta ah xiddigaha khadka dhexe iyo weerarka oo isku qabsanayay weerarka iyo khadka dhexe iyada oo la arkay laba xiddig oo hal mar wada jooga hal boos taas oo keentay in uu xiddiga kubada haysta ku khal-khalo cida uu u dhiibayo kubada.

2.Awood ay ku dhisayeen kubada:

Mar walba oo ay Real Madrid isku daydo in ay dhisto kubada waxa ka muuqatay in ay awood ku dhisayeen taas oo keenaysay in ay kubadu si deg-deg ah uga baxdo gacantooda.

3.Dar-dartii khadka dhexe oo hoos u dhacday Kadib bixitaankii Toni Kroos:

Waxa si weyn hoos ugu dhacday dar-dartii khadka dhexe iyada oo si weyn loo dareemayay maqnaanshaha Toni Kroos oo ka tagay kooxda dhamaadkii xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga