WARBIXIN: Saddex Sabab Oo Hor Taagan Heshiiska Ay Man United Ku Doonayso Frenkie de Jong

U dhaqaaqista Frenkie de Jong ee Man United ayaa ah mid ay wargaysyada ciyaaraha qoraan hadal hayaan maalin walba bilihii ugu dambeeyay.

Laakiin waxa jira 3 sababood oo ay ilaa haatan Man United ugu fashilantay in ay Barcelona kala heshiiso saxiixa xiddiga khadka dhexe.

Man United ayaa wadahadalo kula jirta Barcelona todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo doonaysa in ay kala heshiiso saxiixa xiddiga Frenkie de Jong.

Kooxda Barcelona ayaa xitaa diiday dalab furitaan ah oo ay Man United ka gudbisay saxiixa xiddiga iyada oo Red Devils diyaarinayso dalab cusub.

Sida ay sheegayaan wararku waxa jirta 3 sabab oo hor istaagaysa in la dhamaystiro heshiiska inkasta oo ay labada kooxood diyaar u yihiin in ay dhamaystiraan heshiiska.

Sababta ugu horaysa ayaa ah dhinaca lacagta Man United iyo Barcelona ayaa ku dhibaatoonaya in ay ka heshiiyaan qiimaha lacageed ee xiddiga khadka dhexe iyada oo Barcelona doonayso lacag ku dhaw 100 milyan halka ay United diidantahay in ay bixiso lacagtaas.

Sababta xigta ayaa ah dookha Frenkie de Jong iyada oo uu xiddigu doonayo in uu sii joogo kooxda Barcelona kuna tilmaamay kooxda ugu fiican adduunka isla markaas marar badan sheegay in uuna doonayn in uu ka tago kooxda.

Sababta ugu dambaysa ayaa ah go’aanka Barcelona ee ah in ayna hoos u dhigin qiimaha ay ku doonayso xiddiga khadka dhexe iyada oo diiday in ay hoos u dhigto lacagta isla markaas lacagta ku doonayso in halka hore laga siiyo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*