WARBIXIN: Sababta Cole Palmer Uu U Doonayo Inuu Ka Tago Chelsea – iyo 3-da Kooxood Ee Xiisaynaya saxiixiisa

Warbixino ayaa sheegaya in Cole Palmer uu si isa soo taraysa uga niyad jabay Chelsea isla markaana uu doonayo inuu ka tago kooxda xagaagan.

Palmer wuxuu ku biiray Chelsea sanadkii 2023 kadib markii uu kaga soo wareegay Manchester City lacag dhan £40 milyan.

Qaar ayaa aaminsanaa in Chelsea ay lacag badan ku bixisay ciyaaryahanka reer England, balse wuxuu sameeyay xilli ciyaareed furitaan oo cajiib ah magaalada London, isagoo noqday mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League.

Palmer wuxuu dhaliyay 25 gool 45 kulan xilli ciyaareedkii 2023/24, taasoo u sahashay inuu ku biiro xulka England.

Si kastaba ha ahaatee, ciyaaryahanka 23 jirka ah ma uusan gaadhin heerkii sare ee uu muujiyay xilli ciyaareedkiisii ugu horreeyay ee Blues.

Wuxuu dhaliyay 18 gool 52 kulan xilli ciyaareedkii 2024/25, halka xilli ciyaareedkan uu la tacaalayo qaab ciyaareed liita iyo dhaawacyo.

Wuxuu kaliya dhaliyay 10 gool 25 kulan, iyadoo hoos u dhiciisa uu la jaanqaadayo natiijooyinka kooxdiisa.

Hadda, war kasoo baxay The Sun ayaa sheegaya in xilli ciyaareedkan uu noqon karo kii ugu dambeeyay ee uu Palmer ku qaato galbeedka London.

Saddexda Koox ee Xiisaynaya Cole Palmer

Warbixin uu qoray The Sun ayaa sheegaysa in Palmer uusan gabi ahaanba ku faraxsanayn Chelsea, isla markaana uu hadda diyaar u yahay inuu ka tago xagaagan.

Waxaa la sheegay in ciyaaryahanka 23 jirka ah uu ka niyad jabay isbeddelka xeeladaha kooxda, taasoo uu aaminsan yahay inay ka xaddiday booskii uu ka heli jiray garoonka.

Intaa waxaa dheer, waxaa la rumeysan yahay inuu u xiisay la ciyaarista Nicolas Jackson, oo hadda amaah xilli ciyaareed dhan ugu maqan Bayern Munich.

Palmer wuxuu lahaa isfaham wanaagsan oo weerarka ah markii ay wada ciyaarayeen, waxqabadkiisuna hoos ayuu u dhacay kadib bixitaankii xiddiga reer Senegal.

Manchester United ayaa ka mid ah kooxaha doonaya inay la soo saxiixdaan Palmer, kaas oo loo arko mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Premier League.

Palmer wuxuu taageere u ahaa United tan iyo yaraantiisii, waxaana la sheegay inuu u furan yahay inuu ku biiro.

Si kastaba ha ahaatee, United tartan adag ayay kala kulmi doonaan kooxaha kale.

Waxaa sidoo kale la sheegay in quwadaha Yurub ee Real Madrid iyo Bayern Munich ay iyaguna xiisaynayaan saxiixiisa.

Dhanka kale, Chelsea weli way diidi kartaa inay fasaxdo Palmer, xitaa haddii uu doonayo inuu baxo.

Palmer wuxuu qandaraas kula jiraa Stamford Bridge ilaa 2033, waxaana kooxda u aragtaa ciyaaryahan “aan la taaban karin”.

Waxaa la sheegay in qiimihiisu gaari karo ilaa £150 milyan.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga