WARBIXIN: Sababihii Real Madrid Ka Caawisay In Ay Garaacdo Deportivo Alaves.

Kooxda Real Madrid ayaa ku soo laabatay wadada guulaha kadib guul ay ka gaadheen kooxda Deportivo Alaves kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga.

Guusha Real Madrid ayaa imanaysa natiijooyin xun oo ay kooxdu heshay kulamadii ugu dambeeyay tartamada oo dhan waliba ay kaga hadheen koobabka Copa Del Rey-ga iyo Spanish Super Cup-ka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababihii Real Madrid ka caawiyay guusha ay ka gaadhay Deportivo Alaves:

1.Soo Laabashada Hazard Ee Qaab Ciyaareedkiisii Fiicnaa:

Xiddiga reer Belguim ee Eden Hazard ayaa ka mid ahaa sababta ugu weyn ee ay Real Madrid ku gaadhay guusha isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah kuna helay xiddigii ugu fiicnaa kulanka.

Xiddiga Hazard ayaa soo bandhigay kulankii ugu fiicnaa tan ilaa markii uu Real madrid ku soo biiray isaga oo sameeyay ciyaar weerar ah iyo waliba difaacasho ah ugu dambayn gool ku helay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee uu soo bandhigay.

2.Khadka Dhexe Oo Qaab Fiican Ku Soo Laabta:

Kulankii Alaves waxa aan aragnay qaab ciyaareed cajiib ah oo ay soo bandhigeen xiddigaha khadka dhexe gaar ahaan xiddigaha Toni Kroos iyo Luka Modric kuwaas oo soo bandhigay qaab ciyaaree heer sare ah.

Xiddiga 3-aad oo ahaa Casemiro ayaa ah xiddigii furay goolasha Real Madrid waxana ay Kroos caawiye ka noqday 2 gool halka uu Modric caawiye ka noqday goolkii ugu dambeeyay.

2.Xiddigaha Oo Aan Wax Kale Niyad Ku Hayn:

Kadib wakhti adag oo ay soo qaateen kulamadii ugu dambeeyay Xiddigaha Real Madrid ayaa kaliya diirada saaray sidii ay guul u gaadhi lahaayeen kulanka.

Arintaas ayaana kooxda ka caawisay in ay gaadho guul ay u qalantay iyaga oo doonayay in ay kaliya guul kala baxaan kulanka si ay uga baxaan todobaad adag oo ay soo qaateen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*