WARBIXIN: Sababihii Ka Dambeeyay Guuldaradii Real Madrid Looga Reebay Spanish Super Cup-ka.

Kooxda Real Madrid ayaa laga reebay tartanka Spanish Super Cup-ka kadib guuldaro ka soo gaadhay kooxda Athletic Bilbao kulan ahaa Semi-final-ka tartanka.

Kooxda Los Blancos ayaa sii wada natiijooyinka xun ee xilli ciyaareedkan iyaga oo ku fashilmay in ay difaacdaan tartanka ay xilli ciyaareedkii hore ku guulaysteen.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigaynaa sababihii keenay in Real Madrid laga reebo Spanish Super Cup-ka.

1.Xiddigaha Weerarka Oo Aan Si Fiican U Ciyaarin:

Xiddigaha Weerarka uga ciyaara Real Madrid ayaan soo bandhigin ciyaarin Fiican waxana ay isku daygoodii ku aadanaa halis galinta Goolka bilbao ayaa ku dhamaanayay mid fashil ah.

Eden Hazard ayaa ku fashilmay in uu si fiican uga faa’iidaysto fursad cajiib ah oo uu ku hor helay goolka hortiisa bilowgii ciyaarta mid walba oo ka mid weeraryahanaduna waxa uu ka fogaa qaab ciyaareedkoodii ugu fiicnaa.

2.Go’aansada Zinedine Zidane:

Waxa iska cadayd in uu weerarka Real Madrid ka muuqday khal-khal iyo qaab ciyaareed xumo, Badalkii uu Zidane ayaa laakiin ahaa mid aad u raagay taas oo xaalka ku sii xumasay Real Madrid.

Zidane ayaa badaladiisii ugu horeeyay sameeyay daqiiqadii 67-aad isaa oo soo galiyay Vinícius Júnior Iyo Valverde isaga oo ku badalay Hazard iyo Modric.

Laakiin Zidane ayaa la raagay badalka mariano isaga oo soo galiyay daqiiqadii 88-aad isaga oo ku badalay Karim Benzema.

3.Daafac Xumo:

Nasiibka ayaan la jirin Wiilasha Zidane laakiin sidoo kale daafacyada kooxda Real Madrid ayaa sameeyay khaladaad mana aysan daafacyada Real Madrid soo bandhigin qab ciyaareed fiican.

Xiddiga Lucas Vadquez ayaa ahaa sababta ugu weyn ee guulradada isaga oo si toos ah sababa ugu lahaa labadii gool ee ay Real Madrid dhalisay.

Ugu horayn Vasquez ayaa kubad khaldan u dhiibay goolhayihiisa taas oo keentay in ay Bilbao ka faa’iidaysato ka hor inta uuna galin khaladkii sababay rikoodhada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*