WARBIXIN: Sababihii Ka Dambeeyay Bar-Barihii Ay Man United La Gashay Everton.

Kooxda Man United ayaa bar-baro kala kulantay kooxda Everton kulan ay labada kooxood ku kala bexeen 3/3 xilli ay Everton dhalisay daqiiqadii 95-aad kulan ka dhacay Old Trafford.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa laba jeer ku hor martay goolka laakiin ku fashilantay in ay shabaqeeda ilaashato taas oo la macno ah in ay ku fashilantay in ay hogaanka la qabato Man City ka hor kulankooda Axada.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababihii keenay in ay Man United bar-baro la gasho kooxda Everton kuna fashilanto in ay guul gaadho.

Difaac dhibaataysan:

Sababta ugu horaysa ee ay Man United bar-baraha u gashay ayaa ah difaaca xun ee Man United kuwaas oo qaab ciyaareed xun soo bandhigay gaar ahaan xiddigaha Harry Maguire iyo Victor Lindelof kuwaas oo ku dhibaatooday kulanka.

Harry Maguire ayaa la odhan karaa in uu shaqo fiican qaban karay laba ka mid ah goolasha ay kooxda Everton dhalisay laakiin ku fashilmay in uu qabto shaqadaas.

Khaladaadka daafaca ee xun ayaa la odhan karaa waxa ay ahayd sababta ugu horaysa ee bar-barihii ay Man United la gashay kooxda Everton.

Khaladaad Cusub Oo De Gea Ah:

Mar kale De Gea ayaa sameeyay khalad taas oo keentay in kooxdiisa laga dhaliyo goolal gaar ahaan goolkii 1-aad iyo goolkii 3-aad ee kooxda Everton.

Goolhaye De Gea ayaa qaban karay shaqo ka fiican kuwii uu qabtay markii laga dhaliyay labadaas gool waxana uu ku dhibaatooday in uu kooxdiisa ka badbaadiyo labadaas koob.

Go’aanada Solskjaer:

Tababare Solskjaer ayaa dhankiisa door ka qaatay bar-baraha ay kooxdiisu gashay marka loo eego wakhtiga uu badalka sameeyay isaga oo daqiiqadii 92-aad sameeyay badalkiisii ugu horeeyay.

Solskjaer ayaa badal ku soo galayay xiddiga Axel Tuanzebe kaas oo uu doonayay in uu wakhtiga ku lumiyo laakiin xiddiga ayaa sameeyay khaladkii ay Everton ka dhalisay goolka.

Sidaas darteed tababare Solskjaer ayaa shaqo xun qabtay kulanka dhanka badalka taas oo sabab u ahayd in ay bar-baro niyad jab leh kala kulanto kooxda Everton.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*