WARBIXIN: Sababaha Man United Ka Caawiyay In Ay Garaacdo Burnley

Kooxda Man United ayaa hogaanka kala wareegtay horyaalka premier League kooxda Liverpool kadib markii ay garaaceen kooxda Burnley kulan baaqi u ahaa United.

Kooxda Man United ayaa Burnley kaga badisay 1/0 kulan uu goolka dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba.

Burnley ayaa iska caabin xoogan kala hor tagtay kooxda Man United iyaga oo isku dayay in ay ugu yaraan hal dhibic kala baxaan kulanka.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababihii kooxda Man United ka caawiyay guushii Burnley.

1.Nasiibka Daafaca Man United:

Shaki la’aan waxa ay calaamad su’aal saarantahay daafaca kooxda Man United iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican iyada oo Burnley dhawr jeer ku dhawaatay in ay goolal dhaliso dhawr jeer.

Laakiin Waxa kulankan garab istaagay daafaca Man United marka loo eego in ay sameeyeen khaladaad ay Burnley ka faa’iidaysan wayday sidoo kale xiddigaha Wan-Bissaka iyo Shaw soo bandhigin qaab ciyaareed fiican oo dhanka weerarka ah.

2.Weerarka Oo Ahaa Kuw Fiican:

Weerarka Man Unitd ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed fiican iyada oo dhaq-dhaqaaqa xiddigaha Rashford, Martial iyo Cavani dhibaato ku sameeyeen kooxda Burnley.

Inkasta oo ayna Weerarka United ahayn kuwo saamayn leh marka loo bar-bar dhigo kulamadii hore hadana waxa ay sabab u ahaayeen in ay Man United gaadho guul muhiim ah iyaga oo dhawr mar halis galiyay kooxda Burnley.

3.Geesinimada Pogba:

Paul Pogba ayaa soo bandhigay qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa muddo dheer isaga oo ahaa mid saamayn leh dhanka difaacida kubada iyo waliba weerarka waxana uu lamaane halis ah la sameeyay xiddiga Matij.

Pogba ayaa qaab ciyaareedkiisa ku adkeeyay gool qurux badan oo uu ka dhaliyay kooxda Burnley kuna hogaamiyay guul ay hogaanka kula wareegeen.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumar: 4 Ficil Oo Ay Gabadhu Ku Xadi Karto Qalbiga Ninka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*