WARBIXIN: Sababaha Barcelona Ka Caawiyay In Ay Garaacdo Real Sociedad Iskana Xaadiriso Final-ka Spanish Super Cup-ka.

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay Final-ka tartanka Spanish Super Cup kadib markii ay garaaceen kooxda Real Sociedad kulan rikoodhayaal ku dhamaaday kadib markii ay labada kooxood bar-baro 1/1 ah ku kala bexeen.

Real Sociedad ayaa muujisay geesinimo kulanka iyaga oo cadaadis waali ah saaray xiddigaha kooxda Barcelona waliba halis badan galiyay goolhayaha kooxda Barcelona laakiin Barcelona ayaa ugu dambayn joojisay cadaadiska badan ee Sociedad kadib markii qaab ciyaareedka xiddigaha hoos u dhacay sabab la xidhiidha dhaal ay dareemeen taas oo keentay in ay xiddigaha Pedri iyo Dembele isku dhiibeen kubad taas oo ay ka dhalatay goolkii De Jong.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa sababihii Barcelona ka caawiyay in ay guul gaadho Real Sociedad.

1.Qaab Ciyaareedka Marc-André ter Stegen:

Hadii sababta lagu soo koobi karo hal qodob waxa uu noqon lahaa Goolhaye Marc-André ter Stegen kaas oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah goolkiisa si fiican u ilaashaday waxana uu muujiyay in uu yahay laf dhabarta kooxda.

Marc-André ter Stegen Ayaa sameeyay badbaadino waali ah kooxdiisana ku hayay ciyaarta isaga oo gacan toos ah ku lahaa rikoodhayaashii ay kooxdiisu ku soo baxday isaga oo qabtay 3 rikoodh oo ka mid ah kuwii lagu kala baxayay.

2.De Jong Oo Mar Kale Qaab fiican Soo Bandhigay:

Xiddiga frankie De Ngo ayaa soo bandhigay mid ka mid ah qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa tan ilaa markii uu Barcelona waxana uu halis weyn ku aha Goolka Real Sociedad isaga oo xitaa dhaliyay goolka kaliya ee ay kooxdiisu ka dhalisay kulanka.

Sidoo kale De Jong ayaa dhawr mar ku dhawaaday in uu dhaliyo goolal kale isaga oo ahaa xiddig wadnaha u galay xiddigaha kooxda Real Sociedad.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*