WARBIXIN: Ronaldo, Sancho, Mbappe & Saxiixyada Waaweyn Ee Dhici Kara Suuqa Xagaaga.

Inkasta oo uuna si Rasmi ah u furmin suuqa kala iibsiga xagaagu hadana kooxaha ayaa durba bilaabay in ay sameeyaan saxiixyo waliba ku dhawaaqaan saxiixyada qaar iyaga oo isku diyaarinaya xilli ciyaareedka dambe.

Waxa jira xiddigo badan oo lala xidhiidhinayo kooxo kala duwan xilli ay kooxo badan sidoo kale ku mashquulsanyihiin sidii ay u heli lahaayeen saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada waaweyn ee laga yaabo in ay dhacaan inta lagu jiro suuqa xagaaga:

Georginio Wijnaldum -> PSG

Kooxda reer France ayaa kaga horaysa Barcelona baacsiga loogu jiro xiddiga inkasta oo ay Barcelona muddo dheer ku raad joogtay xiddiga 30 jirka ah bilihii ugu dambeeyay.

Wararka haatan soo baxaya ayaa sheegaya in uu xiddigu doortay ku biirista PSG Isaga oo waliba tijaabada caafimaadka ku mari kara dalkiisa Holland saacadaha soo socda.

Memphis Depay -> Barcelona

Kooxda Barcelona ayaa ilaa haatan ah kooxaha ugu mashquulsan suuqa iyaga oo sameeyay 3 saxiix ilaa haatan suuqa waxana la filayaa in ay maalmaha iyo todobaadyada soo socda dhamaystirto saxiixa xiddiga reer Holland ee Mephis Depay kaas oo ay ku doonayaan qaab xor ah.

Cristaino Ronaldo -> PSG, Man United:

Ilaa haatan lama oga kooxda uu ku biiri doono laakiin waxa xaqiiqo ah in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Juventus kuwaas oo dhankooda diyaar u ah in ay iska iibiyaan xiddiga 36 jirka ah.

Ronaldo ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa Kooxaha PSG iyo man United kuwaas oo xiiso u qaba saxiixa waliba doonaya in ay ku xoojiyaan kooxohooda.

Kylian Mbappe -> Real Madrid

Hadii ay Kooxda PSG hesho saxiixa Cristiano Ronaldo shaki la’aan Mbappe ayaa isaga caraabi doona kooxda PSG Waxana si weyn loola xidhiidhinayaa kooxda Real Madrid kuwaas oo doonayay saxiixa xiddiga reer France sanadihii ugu dambeeyay.

Jadon Sancho -> Man United:

Kadib markii ay muddo 2 sano a h ku raad joogtay saxiixiisa kooxda Man United ayaa u muuqata kuwo ugu dambayn heli doona saxiixa xiddiga Jadon Sancho suuqa xagaagan kadib markii ay Borussia Dortmund suuqa dhigtay.

Man United ayaa dhankeeda si aad ah u doonaysa in ay xiddiga ku xojiso kooxdeeda xilli ciyaareedka dambe maadama ayna haysan xiddig si fiican uga ciyaara kara booskiisa waxana jira warar sheegaya in ay haatanba bilowday wadahaladii ay ku doonaysay xiddiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*