WARBIXIN: Rikoodhka Kooxaha Aan Kulamada Ugu Badan Guuldaro Kala Kulmin Garoonkooda Premier League Oo La Soo Saaray.

Guuldaradii lama filaanka ahayd ee kooxda Liverpool ka soo gaadhay Burnley kulankii Anfield ayaa la macno ah in ay Reds 18 kulan ka dambayso rikoodhkii chelsea ee 86 kulan ee guuldaro la’aanta ahaa ee garoonkeeda premier League.

Koxoxda Jurgen Klopp ayaa kulanka soo galay iyaga oo ayna guuldaro ka soo gaadhin garoonkooda tan ilaa bisii April 2017 markaas oo ay guuldaro kala kulmeen Crystal palace.

Laakiin arintaas ayaa is badashay kadib markii ay Burnley Liverpool ka gaadhay guul 1/0 ah kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.

Rikoodhka guuldaro la’aanta Liverpool ee garoonkeeda ayaa ku joogsaday 68 kulan kaas oo socday muddo 3 sano iyo 273 maalin ah.

Kadib markii laga jabiyay rikoodhkaas Liverpool ayaa ku fashilantay in ay gaadho rikoodhkii ay chelsea dhigtay intii u dhexaysay 2004 ilaa 2008.

Blues ayaa rikoodhkaas dhigtay muddo 4 sano ah iyaga oo aan wax guuldaro ah la kulmin 86 kulan oo premier League ah oo ay ku ciyaartay garoonkeeda.

Kooxda kaalinta 3-aad ku jirta ayaa ah Man City iyaga oo aan garoonkooda looga badin 37 kulan muddo 2 sano ah.

Man United ayaa ku jirta kaalinta 4-aad iyaga oo aan garoonkooda looga badin 35 iyo 36 kulan laba jeer oo kala duwan taariikhdeeda.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Arin Ay Raggu Ka Doonaan Gabdhaha Kadib Guurka, Gabadheey Ku Dadaal Arimahan, Waa Muhiim.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*