WARBIXIN: Real Madrid Oo Laba Koob Ku Lumisay Li Malin Gudeheed.

Ka Hadhistii Real Madrid ee tartanka Copa del Rey ayaa dhirbaaxo ku noqday qorshaha tababare Zinedine Zidane ee xilli ciyaareedkan.

Guuldaro ay Real Madrid kala kulantay kooxda heerka 3-aad ee Alcoyano ayaa halis ku ah shaqada tababre Zidane ee kooxda Real Madrid.

Zidane ayaa markii hore ku soo galay kulanka shax u badan xiddigo aan joogto u ciyaarin laakiin xiddigaha Fede Valverde, Toni Kroos, Casemiro, Eden Hazard, Marco Asensio & Karim Benzema ayaa qaybtii dambe soo galay ciyaarta si uu kooxdiisa u badbaadiyo laakiin ma suurtagalin.

Kaliya muddo 6 maalin ah Real Madrid ayaa iska khasaarisay laba koob xilli ciyaareedkan taas oo xaalka ku sii xumaynaysa kooxda Zidane.

Guuldaradii Alcoyano ayaa imanaysa 5 maalin kadib markii ay Real Madrid Semi-final-ka kaga hadhay tartanka Supercopa de Espana xilli ciyaareedkan.

Guuldaradii Real Madrid ka soo gaadhay kooxda Alcoyano ayaa ah Guuldaro ceeb ah marka loo eego in ay kooxdu ka ciyaarto heerka 3-aad ee Spain.

Markii ugu dambaysay ee ay Real Madrid guuldaro kala kulanto koox heerararka hoose ayaa ahayd sanadkii 2009 maraas oo ay guuldaro 4/0 ah kala kulantay kooxda Alcorcon markaas oo uu kooxda hogaaminayay tababare Manuel Pellegrini

Guuldaradaas ayaa sabab u noqotay in ay Real Madrid shaqada ka caydhiso tababare Manuel Pellegrini sidaas darteed waxa haatan la sugi doonaa in ay Los Blancos shaqada ka caydhiso tababare Zidane.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*