WARBIXIN: Real Madrid Oo 150 Milyan Ku Khasaarisay Xiddigo Bilaa Faa’iido Ah, Waa Kuwee Xiddigahaas.

Wargayska AS ayaa diirada saaray siyaadada Real Madrid ee suuqa kala iibsiga sanadihii ugu dambeeyay iyo waliba saxiixyo ay ku fashilantay.

Wargayska ayaa sheegay in ay Real Madrid lacag dhan 150 milyan oo euro ku bixisay 4 xiddig oo dhamaantood ku fashilmay waliba aan ka mid ahayn qorshaha tababare Zidane.

Waxa la yaab leh in uu Zidane mar walba sheego in uu adeegsado dhamaan xiddigaha kooxdiisa jooga waliba uuna ka cabsi qabin in uu fursad siiyo xiddig kastaoo kooxdiisa ah.

Laakiin waxa jira xiddigo aan wax fursad ah helin hadii ay ciyaaraana kaliya ciyaara daqiiqado aan ku filnayn in ay isku muujiyaan.

Waxa aanu shaki ku jirin midka ugu la yaabka leh in uu yahay xiddiga Luka Jovic kaas oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 60 milyan oo euro xagaagii 2019.

Waxa jirtay rajo weyn oo laga qabo xiddiga in uu noqdo badalka Karim Benzema laakiin Zidane ayaan ku qancin awoodiisa isaga oo aan sidoo kale siin fursad uu isku muujiyo maadama uu xiddigu u baahan yahay kulamo badan si uu awoodiisa u soo bandhigo.

Daafaca Éder Militão ayaa sidoo kale ku jira xaalka Jovic oo kale isaga oo kooxda ugu soo biiray lacag dhan 50 milyan si uu u noqdo badalka mustaqbalka fog ee Sergio Ramos haatana ka sii garab ciyaaro xiddigaha Varane iyo Ramos laakiin Zidane ayaa si la yaab leh xiddiga uga saaray qorshihiisa isaga oo badalkiisa isticmaala xiddiga Nacho marka uu Ramos maqan yahay iyada oo uuna Éder Militão gabi ahan ku jirin qorshihiisa.

Xiddiga kale ayaa ah Álvaro Odriozola kaas oo aan wax fursad ah u helin in uu naftiisa ku muujiyo isaga oo aan ciyaarin mar walba oo uu Carvajal maqan yahay iyada oo uu zidane badalkiisa daafaca ka ciyaarsiiyo xiddiga Lucas Vasquez ama Nacho.

Xiddiga ugu dambeeya ayaa ah Martin Ødegaard kaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo jiitay indhaha adduunka markii uu joogay Sociedad laakiin markii uu Zidane dib ugu yeedhay waxa uu isla markiiba ka saaray qorshihiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*