WARBIXIN: Real Madrid Mise Bayern Munich? Kooxdee Ayuu Ku Fiicanyahay David Alaba.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa ku dhaw in uu isaga tago kooxda Bayern Munich xilli uu heshiiskiisu dhamaan doono.

Xiddiga reer Austria ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Real Madrid iyo Man City kuwaas oo doonaya saxiixa xiddig.

Alaba ayaa ka mid ah xiddigaha sida weyn loo hadal hayo mustaqbalkiisa isaga oo xor ugu biiri kara kooxda uu doonayo marka uu dhoco heshiiskiisa kooxda Bayern Munich.

Alaba Oo Ku Fiican Ku Biirista Real Madrid Ama Man City?

Wararka ayaa sheegaya in uu Alaba haysto 5 dalab oo kala duwan uguna weyn yihiin kooxaha Real Madrid iyo Man City iyada oo labada kooxoodba doonayaan in ay ku xoojiyaan daafacooda iyaga oo waliba si xor ah ku heli kara.

Real Madrid ayaa ah kooxda aadka ugu fiican sababa la xidhiidha in uu xalin karo dhibaatada daafaca dhexe iyo waliba garabka midig maadama uu labadaas boos-ba ka ciyaari karo.

Marka loo eego in qaab ciyaareedka Varane iyo Ramos hoos u dhacay Zidane ayaa aad ugu baahan in uu helo Alaba si uu ugu xaliyo dhibaatada daafaca.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa aad u doonaysa saxiixa xiddiga marka loo eego in ay ku dhibaatoonayaan daafaca Bidix iyaga oo aan haysan xiddig u ciyaara maadama Mendy uu dhaawac ka bixi laayahay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Oo Kuu Muujinaysa In Uu Gacaliyahaagu Aad Kuu Jecelyahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*