WARBIXIN: Qorshaha Chelsea Es Suuqa Oo La Ogaaday & Xiddigaha Bartilmaameedka U Ah Blues.

Kooxda chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaarisay liis ka kooban 7 xiddig oo ay u dhaqaaqi doonto suuqa kala iibsiga xagaaga.

Chelsea ayaa suuqa u gali doonta xoojinta kooxda boosaska kala duwan marka uu milkiilaha cusub la wareego kooxda todobaadka dambe.

Ugu Horayn chelsea ayaa muhiimada siin doonta saxiix cusub oo difaaca ah iyada oo lala xidhiidhinayo xiddigo ay doonayso in ay ku xoojiso kooxda xagaaga.

Xiddigaha Andreas Christensen, Antonio Rudiger, Cesar Azpilicueta & Marcos Alonso ayaa dhamaantood la filayaa in ay isaga tagaan kooxda chelsea xagaaga.

Sida laga soo xigtay The Telegraph, chelsea ayaa u dhaqaaqi doonta xiddigo daafaca ka ciyaara oo ay ka mid yihiin Jules Kounde, Pau Torres iyo Josko Gvardiol.

Dhanka kale Chelsea ayaa suuqa u gali doonta xiddigo khadka dhexe ah waxana lala xidhiidhinayaa xiddigaha Aurelien Tchouameni Iyo Declan Rice.

Halka xiddiga garabka ciyaara ee kooxda Man City Raheem Sterling ayaa sidoo kale bartilmaameed u ah kooxda Chelsea suuqa xagaaga.