WARBIXIN: Pogba, Henderson, Lacazette & 10-ka Xiddig Ee Waaweyn Ee Ka Tagi Kara Premier League Suuqa Xagaagan.

Kooxaha Premier League ayay u hadhay kaliya hal bil si ay u soo xidhaan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda difaacanaysa premier League ee Man City ayaa qarka u saaran in ay 100 milyan kula soo wareegto xiddiga Jack Gralish.

Kooxda ay xafiilyamaan City ee Man United ayaa 73 milyan kula soo wareegtay Jadon Sanches kaas oo ilaa haatan ah saxixa ugu qaalisan ee laga sameeyo premier League.

Wargayska Mirror ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan 10-ka xiddig ee ugu waaweyn ee laga yaabo in ay ka tagaan premier League suuqa xagaagan.

  1. Paul Pogba – Manchester United

Wakhtigii 2-aad ee Paul Pogba ee Man United ayaa ku dhaw in uu dhamaado,

Xiddiga reer France ayaa lacag dhan 89 milyan oo euro ugu soo laabtay United laakiin heshiiskiisa ayaa galay snaadkii ugu dambeeyay waxana lala xidhiidhinayaa kooxda PSG isaga oo iska diiday in uu Red Devils heshiis cusub u saxiixo.

  1. Jordan Henderson – Liverpool

Kabtanka Liverpool ayaa noqon kara mid si lama filaan ah uga taga Premier League suuqa xagaagan.

Wargayska The Athletic ayaa shegay bilowgii bishan in uu Bur-buray wadahaldii heshiis kordhinta ee jordan Henderson iyada oo uu 2 sano ka dhimanyahay heshiiskiisa kooxda.

Xiddiga 31 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha Atletico Madrid, Juventus iyo PSG kuwaas oo lacag jaban ku heli kara hadii ay si dhab ah ugu dhaqaaqaan.

  1. Alexandre Lacazette – Arsenal

Xiddiga weerarka Arsenal ee Alexandre Lacazette ayay 12 bilood uga dhimantahay heshiiskiisa kooxda Arsenal mana jiraan wax wadahalo heshiis kordhin ah oo ay kooxdu kula jirto haatan waxana lala xidhiidhinayaa kooxda Atletico Madrid.

  1. Aymeric Laporte – Manchester City

Daafaca dhexe ee Man City ayaa ahaa daafac bir ah xilli ciyaareedkii 2019/2020 laakiin soo laabashada John Stones iyo saxixia Ruben Dias ayaa meesha ka saaray xilli ciyaareedkii hore.

Kooxda Man City ayaa suuqa dhigtay daafaca sida ay sheegayaan wararku iyada oo ay kooxda Barcelona xiiso u qabto saxiixa xiddiga 27 jirka ah.

  1. Hector Bellerin – Arsenal:

Hector Bellerin ayaa muddo 10 sano ah joogay Arsenal laakiin waxa ay u muuqataa in uu dhawaan ka tagi doono kooxda Arsenal iyada oo xiddiga reer Spain lala xidhiidhinayo kooxda Inter Milan.

  1. Kurt Zouma – Chelsea
  2. Serge Aurier – Tottenham
  3. Davinson Sanchez – Tottenham
  4. Joe Hart – Tottenham
  5. Sead Kolasinac – Arsenal

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: 5 Arin Oo Hadii Uu Ninku U Sameeyo Gabadha Ayna Waligeed Ku Iloobin Ninkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*