WARBIXIN: Mohamed Salah, Diego Forlan & Xiddigihii Ku Fashilmay Premier League Laakiin Xiddig Heer Sare Ah Noqday Kadib Markii Ay Isaga Tageen Horyaalka.

Kubada cagta ayaa ah wax aan la hubin iyada oo uu xiddig qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigi karo horyaalka ama uu ku fashilmi karo.

Arintaas ayay sabab u noqon kartaa dhibaatooyin garoonka dhanka garoonka ah, sida shax khaldan, Dhibaato shaqasi ah ama noloshiisa sidoo kale horyaal cusub ama dhibaato garoonka dibadiisa ah.

Taariikhd ahoryaalka La Liga waxa jira xiddigo badan oo ku fashilmay horyaalka premier League halka ay jiraan xiddigo kale oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay premier League.

Mararka qaar ka mid ah xiddigaha ku dhibaatooday kooxaha premier League ayaa aada horyaal kale kuna soo bandhiga qaab ciyaareed cajiib ah iyada oo taageerayaasha ku keenta in ay is waydiiyaan sababta uu xiddigaas kooxdooda sidaas ugu ciyaari waayay.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 10-ka xiddig ee ku fashilmay Premier League kadib qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay horyaalada kale.

Mohamed Salah (Chelsea):

Salah ayaa haatan Liverpool ka noqday xiddiga ugu fiican laakiin markii ugu horaysay ee uu soo caga dhigo premier League ayaa ahayd wakhti adag iyada oo uu xiddigu ku fashilay Chelsea una dhaliyay 2 gool oo kaliya 2 sano oo uu joogay kooxda.

Xiddiga ayaa isaga tagay cheslea Amaahan ugu biiray kooxda Fiorentina isaga oo ku biiray Roma una dhaliyay 19 gool 15 kalena caaiye ka noqday labadiisii xilli ciyaareed ee ugu horeeyay ka hor inta uuna Liverpool ku soo biirin 2017.

Gerard Pique (Manchester United):

Pique ayaa isaga tagay Barcelona kadib markii uu ka soo baxay Akademiyada kooxda isaga oo Man United ku soo biiray isaga oo da’yar ah waxana uu kooxda 1-aad ee Man United u saftay 12 kulan oo kaliya ka hor inta uuna ku laaban Barcelona.

Haatana waxa uu joogaa Barcelona 12 sano waxana uu ka mid yahay daafacyada ugu fiican adduunka waxana uu ku guulaystay 8 horyaal La Liga iyo 3 champions League.

Luis Alberto (Liverpool):

Luis Alberto ayaa 3 sano ku qaatay Liverpool laakiin waxa uu kooxda u saftay 12 kulan waxana uu isag tagay kooxda xagaagii 2015/2016 markaas oo uu si toos ah ugu biiray Lazio.

Xiddiga reer Spain ayaa haatan ka mid ah xiddigaha ugu fiican horyaalka Serie A-da iyo waliba kuwa ugu fiican khadka dhexe ee adduunka.

Jerome Boateng (Manchester City):

Kooxda Man City ayaa raadinaysay daafac dhexe oo ay la tartansiiso xiddigaha Vincent Kompany & Kolo Toure waxana ay snaadkii 2010 la soo saxiixtay xiddiga Boateng kaas oo ay ka soo bixisay 10 milyan.

Laakiin xiddiga reer Germany ayaa kaliya ciyaaray 16 kulan oo premier League ah ka hor inta uuna ku laaban Bundesliga kuna biirin Bayern Munich waxnaa uu haatan kooxdaas kula guulaystay 7 Horyaal Bundesliga iyo champions League.

Diego Forlan (Manchester United):

Xiddiga Diego Forlan ayaa Man United ku soo biiray suuqii Janaury 2002 waxana uu xiddiga reer Uruguay goolkiisii ugu horeeyay ee Man United u dhaliyay 8 bilood kadib waxana uu kooxda ku ciyaarta Old Trafford u dhaliyay kaliya 17.

Xiddiga ayaa isaga tagay kooxda kuna biiray Atletico Madrid halkaas oo uu dhaliyay 22 gool xilli ciyaareedkii uu joogay ka hor inta uuna 2011/2012 ku biirin Inter Milan.

Iago Aspas (Liverpool):

Aspas ayaa Liverpool u ciyaaray 15 kulan laakiin wakhtigiisii waxa lagu xasuustaa in uuna wax goola ah u dhalin ka hor inta uuna ku laaban horyaalka la Liga kana mid noqon weeraryahanada ugu halista badan adduunka.

Borja Valero (West Brom)

Kostas Mitroglou (Fulham)

Andrej Kramaric (Leicester)

Nikola Kalinic (Blackburn)

Sii Akhriso: DEG-DEG: Dalka Taiwan Oo Si Rasmi Ah Looga Aqoonsaday Baasaboorka Somaliland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*