WARBIXIN: Mikel Arteta Oo Doonaya In Uu Iska Iibiyo 9 Xiddig Si Uu U Helo Lacag Uu Ku Xoojiyo Kooxdiisa.

Arsenal ayaa laga yaabaa inay iska iibiso ilaa sagaal ciyaartoy suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u ururiyaan Lacagta ugu badan ee suurtogalka ah.

Mid ka mid ah kuwa laga diri karo kooxda ayaa ah weeraryahanka reer France Alexandre Lacazette, kaasoo booskiisa joogtada ah uuna ahyn mid la hubo wakhtiyadii ugu dambeeyay.

Mikel Arteta ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee uu tababaraha u ahaa Arsenal ku dhamaystay si cajiib ah kadib markii ay Gunners 2/1 Koobka FA Cup-ka kaga qaaday kooxda Chelsea.

Laakiin wali waxa jirta shaqo badan hadii ay kooxdu doonayso in ay noqoto sida Man City iyo Liverpool sanadka dambe.

Arteta ayaa haatanba og in uu u baahanyahay in uu xoojiyo meelaha muhiimka u ah kooxdiisa laakiin lacag badan ayaan la siin doonin si uu ugu galo suuqa.

FA Cup-ka ayaa kooxda lagu siiyay lacag aan aad u badnayn iyo 30 milyan oo loo siiyay u soo bixitaanka Europa Leagua xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Arteta ayaa ogsoon in uu ku qasbanyahay in uu xiddigo iska iibiyo si uu u keeno xiddigaha uu doonayo.

Wargayska Daily Mail ayaana sheegaya in ay kooxdu iska iibin doonto xiddigo ku dha 9 xiddig xagaagan.

Warark ayaa sheegaya in xiddigaha la iibin doono ka mid yihiin Sokratis, Matteo Guendouzi, Lucas Torreira, Henrikh Mkhitaryan iyo Sead Kolasinac Halka xiddigaha Lacazette & Hector Bellerin la iibin doono hadii uu dalab fiican u yimaado.

Sii Akhriso: Somaliya Oo Mar Kale Hawada Ka Celisay Diyaarad Kenya Ka Socotay & Sababta.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*