WARBIXIN: Messi & Ramos Oo Hogaaminaya 10 Xiddig Oo Waaweyn Oo Ku Soo Biiri Kara Premeir League Suuqa January.

Kooxaha Premier League ayaa haatan si aad ah u shaqaynaya si ay suuqa January u xoojiyaan kooxohooda qaybta dambe ee xilli ciyaareedka dambe.

Kooxaha Premier League ayaa lala xidhiidhinayaa xiddigo badan kuwaas oo ka ciyaara kooxaha waaweyn ee yurub kuna jira qaab ciyaareed fiican.

Xiddigo badan oo fiican ayaa la heli karaa suuqa January kuwaas oo wax weyn ku soo kordhin kara horyaalka iyo waliba kooxaha ay ku biiraan.

Wargayska Express Sport ayaa soo saaray Liiska 10 xiddig oo waaweyn kuwaas oo ku soo biiri kara horyaalka premier League marka la gaadho suuqa January.

Xiddig Lionel Messi ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda Man City marka loo eego in uu heshiiskiisa Barcelona dhici doona xagaaga inkasta oo uu qirtay in uuna ka tagi doonin kooxda Barcelona suuqa January.

Xiddiga Diego Costa Ayaa si lama filaan ah loola xidhiidhinayaa kooxda Arsenal kaas oo dhankiisa xor noqon doona bisha January iyada oo Atletico Madrid doonayso in ay kansasho heshiiskiisa bisha January.

Daafaca Real Madrid ee Sergio Ramos ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayaa horyaalka premier League marka la gaadho suuqa January.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska 10-ka xiddig ee ku soo biiri kara suuqa Janaury:

  1. Lionel Messi (Barcelona),
  2. Diego Costa (Atletico Madrid),
  3. Memphis Depay (Lyon),
  4. David Alaba (Bayern Munich),
  5. Angel Di Maria (PSG),
  6. Julian Draxler (PSG),
  7. Arkaduisz Milik (Napoli),
  8. Sergio Ramos (Real Madrid),
  9. Florian Thauvin (Marseille),
  10. Gianluigi Donnarumma (AC Milan)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*