WARBIXIN: Messi, Alli, Costa & 7-da Saxiix Ee Ugu Waaweyn Ee Dhici Kara Inta Lagu Jiro Suuqa January Ee Bishan.

Suuqa kala iibsiga January ayaa haatan si Rasmi ah u furmay kooxaha adduunka oo dhan ayaana doonaya in ay xoojiyaan kooxoohda qaybta dambe ee xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa u baahan daafac dhexe halka Arsenal u baahantahay kubad sameeyo, City ayaa dhankeeda u baahan in ay hesho saxiix magac weyyn.

Suuqa January ayaa balan qaadaya in uu noqdo mid xiiso leh iyada ayna kooxuhu kaliya doonayn in ay xiddigo iska iibiyaan ama la soo wareegaan laakiin waxa ay qorshaynayaan saxiixyada xagaaga dambe.

Xiddigaha Lionel Messi iyo David Alaba ayaa ka mid ah xiddigaha ugu waaweyn ee xorta noqon doona dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa 7 saxiix ee ugu waaweyn ee dhici kara suuqa January:

LIONEL MESSI:

Barcelona -> Man City, PSG

Waxa aan ku bilaabi doonaa midka ugu weyn waana Lionel Messi kadib marka loo eego in uu heshiiskiisu dhici doono xagaaga.

Xiddiga ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa kooxaha PSG iyo Man City kuwaas oo haatan dhamaystiri kara saxiixa xiddiga si xor ahna u heli doona xagaaga dambe.

DELE ALLI:

Tottenham -> PSG:

Iyada oo ay sabab u tahay xidhiidhka uu Alli la leeyahay Tababare Mauricio Pochettino xiddiga khadka dhexe ee Dele Alli ayaa la filayaa in uu ku biiro kooxda PSG xitaa hadii ay tahay qaab amaah ah inta lagu jiro suuqa Janury.

CHRISTIAN ERIKSEN:

Inter Milan -> PSG:

Waa xiddig kale oo xidhiidhka Pochettino ka caawin doono in uu ku biiro kooxda PSG inta lagu jiro bishan kadib markii uu ku dhibaatooday kooxda Inter Milan xilli ciyaareedkan.

DECLAN RICE:

West Ham -> Chelsea:

Bues ayaa lacag ka badan koox kasta oo premier League ah suuqa galisay suuqii xagaaga laakiin waxa ay u muuqataa in ayan halkaas ku joogsan doonin.

Tababare Frank Lampard aya xaqiijiyay in uu suuqa January si xoogan u gali doono si ay kooxdiisu meel fiican ugaga dhamaysto horyaalka qaybta dambe.

Blues ayaa si weyn loola xidhiidhinayaa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham ee Declan Rice kaa soo ilaa xagaagii lala xidhiidhinayay.

ISCO:

Real Madrid -> Arsenal, Sevilla, Everton

Mustaqbalka Isco ee Real Madrid ayaa u muuqda mid soo dhamaaday iyada oo la filayo in uu xiddigu isaga tago kooxda inta lagu jiro suuqa January.

Isco ayaa haatanba haysta dalabyo fiican iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Arsenal, Sevilla iyo waliba Everton kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

DIEGO COSTA:

Atletico Madrid -> Leeds United, Arsenal, Wolves:

Waa xiddig kale oo laga naxay horyaalka La Liga waana xiddigii hore ee kooxda chelsea Costa kaas oo xor u ah in uu ku biiro kooxda uu doonayo waliba qaab lacag la’aan ah bishan.

Xiddiga ayaa lala xidhiidhinayaa kooxaha premier League ee Leeds United, Wolves iyo Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga reer Spian bsihan.

ERIC GARCIA:

Man City -> Barcelona

Garcia ayaa haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Barcelona waxana laga yaabaa in uu bishan ku biiro kooxda Barcelona.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa iska diiday heshiis cusub oo uu u saxiixo kooxda Man City isaga oo u sheegay in uu doonayo ku biirista Kooxdii yaraantiisa.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: Waa Maxay Sababta Ay Raggu Si Deg-deg Ah Ugu Seexdaan Kadib Kulanka Sariirta?

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*