WARBIXIN: Mbappe, Califiori, Olise Iyo Saxiixyada Ugu Fiican Ee Ilaa Haatan Laga Sameeyay Suuqa Xagaaga.

Suuqa kala iibsiga xagaaga ayaa maraya meel xiiso leh iyada oo ay kooxo badan saxiixyo sameeyeen.

Xiddigo badan oo magac leh ayaa ka qayb ah saxiixyada ilaa haatan la dhamaystiray.

Waxa halkan aan ku soo bandhigi doonaa 9-ka saxiix ee ugu fiican ee ilaa haatan la dhamaystiray.

  1. Kylian Mbappe – PSG to Real Madrid:

Saxiixa ugu fiican ee suuqa kala iibsiga xagaaga 2024 waa Kylian Mbappe oo si xor ah ugu wareegaya Real Madrid.

  1. Michael Olise – Crystal Palace to Bayern Munich

Kooxda Bayern Munich ayaa saxiixa Michael Olise kaga yaabisay kooxaha iyada oo saxiixiisa ku garaacday kooxo badan oo premier League.

  1. Riccardo Calafiori – Bologna to Arsenal:

Kadib saxiixii Riccardo Calafiori ee Bologna, Arsenal ayaa lagu tilmaami karaa in ay haysato daafaca ugu fiican yurub.

  1. Joshua Zirkzee – Bologna to Man Utd:

Joshua Zirkzee ayaan la filayn in uu si joogto ah ugu ciyaaro Man United sabab la xidhiidha joogitaanka Rasmus Hojlund, laakiin xiddiga reer Holland ayaa ah saxiix aad u fiican.

5.Endrick – Palmeiras to Real Madrid:

Real Madrid ayaa heshiis la gaartay Endrick bishii December 2022, laakiin xiddiga mucjisada ah ayaa amaah kaga maqnaa Los Blancos ilaa inta uu ka gaadhayo da’da 18 sano jirka haatan ayuuna yimid kooxda.

6.Joao Palhinha – Fulham to Bayern Munich:

Bayern Munich ayaa aad u doonaysay xiddig ku fiican khadka dhexe ee daafaca muddo dheer waxana ay ugu dambyn la soo saxiixdeen xiddiga Palhinha.

7.Douglas Luiz – Aston Villa to Juventus:

Douglas Luiz ayaa ahaa sabab muhiim ah oo ka danbeysa u soo bixitaanka Aston Villa ee Champions League xilli ciyaareedkii hore in ay Juventus hesho saxiixiisana waa mid cajiib u ah Juventus.

8.Alvaro Morata – Atletico Madrid to AC Milan:

Alvaro Morata ayaa laga maadsaday xirfadiisa ciyaareed oo dhan laakiin waxa uu ahaa Gooldhaliye la isku halayn karo.

9.Khephren Thuram – Nice to Juventus:

Khephren Thuram ayaa la filayay inuu ku biiro Premier League markii uu ka tagay OGC Nice, laakiin Juventus ayaa ku guuleysatay tartankii saxiixiisa, iyadoo bixisay wax ka badan 20 milyan euro si ay u helaan saxiixiisa.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga