WARBIXIN: Marc Cucurella Oo Ku Biiray Daafacyada Ugu Qaalisan Suuqa Kadib Markii Uu Ku Biiray Chelsea.

Dhamaystirkii chelsea ee daafaca Marc Cucurella ayaa ka dhigay daafaca 6-aad ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.

Xiddiga Marc Cucurella ayaa maanta si Rasmi ah ugu biiray chelsea isaga oo noqday xiddig cusub oo Blues ah kadib markii ay Brighton iyo chelsea ka heshiiyeen qiimaha xiddiga oo dhan 62 milyan oo euro.

Kooxda Chelsea ayaa halka hore ka bixin doonta lacag dhan 55 milyan oo euro halka ay 7 milyan oo euro ku bixin doonto qaab gunooyin ah.

Heshiiska ayaa Marc Cucurella ka dhigaya daafaca 6-aad ee ugu qaalisan taariikhda suuqa kala iibsiga.

Daafaca Harry Maguire ayaa wali ah daafaca ugu qaalisan taariikhda kadib markii uu Man United ugu biiray lacag dhan 80 milyan oo euro waxa ku xiga xiddiga kooxda Liverpool ee Virgil van Dijk kaas oo Liverpool ugu biiray 75 milyan oo euro.

Daafaca kooxda Bayern Munich ee Matthijs de Ligt ayaa sidoo kale ka mid ah daafacyada ugu qaalisan suuqa halka uu sidoo kale daafaca kale ee Bayern Munich ee Lucas Hernandez ku jiro Liiska daafacyada ugu qaalisan.

Daafacyada Ruben Dias (Man City), Lisandro Martinez (Man United) iyo Ben White (Arsenal) ayaa ka mid ah daafacyada ugu qaalisan suuqa kala iibsiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*