WARBIXIN: Man United Oo Caado Xun Yeelatay Marka Ay La Ciyaarayso Kooxaha Waaweyn Xilli Ciyaareedkan.

Kooxda Man United ayaa bar-baro la gashay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa horyaalka premier League kulan ka dhacay garoonka Emirates kana tirsanaa todobaadkii 21-aad.

Red Devils iyo taageerayaasheeda ayaa u tartamaya hanashada horyaalka premier League xilli ciyaareedkan laakiin sida ay u muuqato Man United ayaa hoos uga soo siibanaysa tartanka.

Xilli ciyaareedkan Solskjaer ayaa yeeshay caado xun oo aan horay loogu arag Man United gaar ahaan amrka ay la ciyaarayaan kooxaha waaweyn ee premier League.

Xilli ciyaareedkan Man United ayaa ku fashilantay in ay wax guul ah ka gaadho dhaman 6-da kooxood ee ugu waaweyn prmeier Leageu taas oo ah mid aan fiicnayn hadii ay doonayso in ay u tartanto horyaalka.

Waxa la yaab leh in ay dhamaan kulamada waaweyn ee ay la ciyaartay 6-da kooxood ee ugu waaweyn ku dhamaadeen 4 bar-baro iyo hal guuldaro.

Kooxda Man United ayaa bar-baro la gasha kooxaha Man City, Chelsea, Arsenal iyo Liverpool iyaga oo guuldaro kala kulmay kooxda Tottenham.

Marka laga reebo Tottenham oo ay guuldaro kala kulantay waxa ay kulamada kale ee ay bar-baraha gashay ka siman yihiin in ay dhamaantood gool la’aan ku dhamaadeen.

Hadaba hadii ay Man United doonayso u tartanto ku guulaysiga horyaalka premier League waa in ay bilowdo in ay garaacdo kooxaha waaweyn ee kula tartamaya horyaalka.

1 Comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*