WARBIXIN: Man City & Liverpool Oo Kulan Kala Bax Ah U Ciyaari Kara Koobka Premier League, Sidee Ayay U Dhici Katraa?

Kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa isku baacsanaya premier League iyada oo labada kooxood isha ku hayaan ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa iska khasaarisay fursad ay 2 dhibcood hogaanka ugu qaban lahayd premier League ka hor inta ayna Man City la ciyaarin Newcastle United maanta oo axad ah iyaga oo bar-baro la galay Tottenham.

Laakiin kooxaha Liverpool iyo Man City ayaa u baahnaan kara kulan kala bax ah si uu midkood ugu guulaysto horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Si kasta ha ahaatee arintaas ayaa dhici karta hadii ay labada kooxood xilli ciyaareedkan ku dhamaystaan isku dhibco iyo waliba in ay isku mid ka ahaadaan farqiga goolasha ay ka dhaliyeen premier Leagu.

Hadii ay Liverpool badiso 3-da kulan ee uga dhiman xilli ciyaareedka ee Aston Villa, Southampton iyo Wolves isla markaas Man City laga badiyo hal kulan 3 kalena badiso kulamada Newcastle United, West Ham United, Wolves & Aston Villa labada kooxood ayaa xilli ciyaareedka ku dhamaysan doona 92 dhibcood.

Sidoo kale Liverpool ayaa leh farqi goolal oo ah +64 halka ay Man City leedahay +63 hadii ay sidaas darteed wax walba isaga mid noqdaan labada kooxood ayaa wada ciyaari doona kulan kala bax ah si midkood ugu guulaysto.

Waxa intaas sii dheer in horyaalka Lagu go’aamin karo kulamada waji-ka wajiga ah sidaas darteed Liverpool iyo Man City ayaa bar-bareeyay labadii kulan ee ay ciyaareen premier League xilli ciyaareedkan.