WARBIXIN: Maguire,Sancho, White & 10-ka Saxiix Ee Reer England Ee Ugu Qaalisan Taariikhda Suuqa Kala Iibsiga.

Ben White waxa uu ka ciyaarayay horyaalka heerka labaad ee England championship-ka 2 sano ka hor laakiin haatan waxa uu ka mid noqday xiddigaha ugu qaalisan reer England taariikhda.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa heshiis wakhti fog ah u saxiixay kooxda Arsenal kadib markii ay ka bixiyeen lacag dhan 50 milyan oo euro.

Xiddiga Ben White ayaa noqday xiddiga 3-aad ee ugu qaalisan taariikhda Arsenal isaga oo ka dambeeya xiddigaha Nicolas Pepe (£72m) Iyo Pierre-Emerick Aubameyang (£55m).

Xiddigaha u dhashay dalka England ayaa lagu iibiyaa lacag aad u badan sanadihii ugu dambeeyay iyada oo aan si dhbib yar lagu helin xiddigaha u dhasha dalka England.

White ayaa ka qayb qaatay tartankii euro 2020 ee xulka England kadib markii uu qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay Brighton xilli ciyaareedkii hore.

Hadaba wargayska Mirror ayaa soo bandhigay 10-ka saxiix ee ugu qaalisan ee xiddigaha dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka England ama u ciyaara dalkaas.

  1. Harry Maguire — Leicester City to Manchester United, £80m, 2019

United ayaa xagaagii 2019 samaysay saxiixa ugu qaalisan xiddig reer England ah kadib markii ay 80 milyan ka bixisay Harry Maguire taas oo su’aal badan laga keenay wakhtigaas laakiin xiddiga ayaa haatan ah hogaamiyaha 1-aad ee kooxda Man United.

  1. Jadon Sancho — Borussia Dortmund to Manchester United, £73m, 2021

Kadib sanado badan oo ay ku raad joogtay Man United ayaa mar kale baanka u jabisay xiddiga reer England ah iyaag oo xiddiga Jadon Sancho kala soo wareegtay kooxda Borussia Dortmund iyada oo xiddiga 21 jirka ah ku soo celisay England kadib 4 sano oo uu joogay Bundesliga.

  1. Raheem Sterling — Liverpool to Manchester City, £50m, 2015

Xiddiga Sterling ayaa muran badan dhaliyay markii uu isaga tagay Liverpool kuna biiray Man City isaga oo jira 20 sano laakiin xiddiga ayaa muujiyay in uu u qalmay lacagtii laga bixiyay wakhtigaas maadama uu xiddiga reer England koobab kula guulastay Man City.

  1. Ben Chilwell — Leicester to Chelsea, £50m, 2020

Chelsea ayaa suuqa ugu jirtay xiddig daafaca Bidix ku fiican kadib markii ay wayday Ashley Cole laakiin sanado badan ayay ku fashilantay in ay hesho xiddig fiican, laakiin Chilwell ayaa yimid Blues xagaagii 2020 iyada o kooxdu saxixia xiddiga ka bixisay 50 milyan kana dhigtay xiddiga ugu qaalisan Enland.

  1. Ben White — Brighton to Arsenal, £50m, 2021

Sida aan horay u soo xusnay xiddigaha reer England ayaa inta badan lagu qiimeeyaa lacago aad u badan waxana ay Arsenal markan baanka u jabisay xiddiga Ben White kaas oo ay kula soo wareegtay lacag dhan 50 milyan waxana la sugi doonaa in la arko waxa uu ku soo kordhiyo kooxda.

  1. Kyle Walker — Tottenham to Manchester City, £49m, 2017
  2. Aaron Wan-Bissaka — Crystal Palace to Manchester United, £49m, 2019
  3. John Stones — Everton to Manchester City, £47.5m, 2016
  4. Alex Oxlade-Chamberlain — Arsenal to Liverpool, £35m, 2017
  5. Danny Drinkwater — Leicester to Chelsea, £35m, 2017

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*