WARBIXIN: Laba Xiddig Oo Sabab U Ahaa Shaqo Ka Caydhinta Frank Lampard Ee Kooxda Chelsea.

Kooxda chelsea ayaa ugu dambayn si Rasmi ah shaqada uga caydhisay tababare Frank Lampard kadib 19 bilood oo uu hogaamiyay kooxda.

Chelsea ayaa ku jirta kaalinta 7-aad ee kala saraynta horyaalka premier League kadib guuldaradii 2/0 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Leicester City Salaasadii la soo dhaafay.

Go’aanka shaqo ka caydhinta Lampard ayaa imanaya kadib markii ay kooxdu guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Luton Town kulan ka tirsanaa FA Cup-ka.

Wargayska The Athletic ayaa sheegay in ay jiraan laba xiddig oo sabab u ahaa shaqo ka caydhinta Frank Lampard ee kooxda chelsea.

Labadaas xiddig ayaa ah saxiixyadii xagaaga ku soo biiray kooxda ee Timo Werner iyo Kia Havertz kuwaas oo qaab ciyaareed Liita soo bandhigay.

Chelsea ayaa labada xiddig oo kaliya ka soo bixisay lacag dhan 160 milyan oo euro waxana ay maamulka kooxdu dareemeen in uuna Lampard qaab ciyaareed fiican ka soo saari karin xiddiga.

Lampard ayaa garan waayay boos uu ka ciyaarsiiyo labada xiddig tan ilaa markii ay kooxda ku soo biireen iyaga oo si weyn ugu dhibaatooday in ay tayadooda soo bandhigeen.

Sidaas darteed Maamulka Blues ayaa go’aansaday in uu Frank Lampard boorsooyinkiisa ka qaato Stamford Bridge halkii ay labada xiddig ku fashilmi lahaayeen kooxda.

Sii Akhriso: Kalmado Calaacal Ah Oo Qalbiga Ku Xanuujinaya.

3 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*