WARBIXIN: Kulamada U Dhiman Arsenal Iyo Man City? Kooxdee Ku Guulaysan Doonta Horyaalka.

Arsenal ayaa ku guuldareysatay inay kordhiso farqiga hoggaanka Premier League kadib markii ay lumiyeen hoggaan laba gool ah kulankii ay la ciyaareen Wolverhampton Wanderers garoonka Molineux Stadium.

Gunners ayaa seegay fursad ay ku sii fogaan lahaayeen marka loo eego Manchester City, iyadoo farqiga hadda u dhexeeya labada kooxood uu yahay shan dhibcood.

Natiijadan ayaa kordhisay cadaadiska ku wajahan kooxda uu maamulo Mikel Arteta, maadaama tartanka horyaalka uu mar kale noqday mid si weyn u furan.

Goolal ay kala dhaliyeen Bukayo Saka iyo Piero Hincapie ayaa u muuqday inay si buuxda gacanta ugu dhigeen kulanka Arsenal markay la ciyaarayeen Wolverhampton Wanderers.

Si kastaba ha ahaatee, Hugo Bueno ayaa yareeyay farqiga, ka hor inta uusan Tom Edozie dhaliyay gool barbaro ah waqtigii dheeraadka ahaa, taasoo u suurtagelisay kooxda martida loo ahaa inay hal dhibic ka badbaadsadaan kulanka.

Arsenal ayaa hogaanka Premier League ku haysa shan dhibcood oo ay ka sarreyso Manchester City, balse waxay ciyaartay hal kulan oo ka badan City.

Kulanka uu City gacanta ku hayo (game in hand) wuxuu noqon doonaa mid ay la ciyaarayaan Crystal Palace. Ciyaartaas ayaa markii hore loo qorsheeyay isla usbuuca final-ka EFL Cup Final (Carabao Cup), balse taariikh cusub weli looma shaacin.

Tani waxay ka dhigan tahay in haddii kooxda uu maamulo Pep Guardiola ay badiso kulankaas, farqiga u dhexeeya labada kooxood uu si weyn u yaraan karo, taasoo sii adkeyn doonta tartanka horyaalka.

Hadaba waxa la sameeyay is bar-bar kulamada u dhiman labada kooxood ee ku tartamaya horyaalka.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga